“Xukuumadda Somaliland Waxaa Looga Baahan Yahay Inay Ka Hor Tagto Dabinnada Ay Somaliya Inoo Maleegayso”

0
1296

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa baaq u diray Xukuumadda iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu baaqay in ilaalinta nabadgalyada iyo qaranimada meel looga soo wada jeesto,laga dheerado wax kasta oo lid ku ah.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale dhaliilo culus u soo jeediyey Dawladda Somaliya, waxaanu ugu baaqay inay arimaha Somaliland faraha kala baxdo, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Inagoo madax banaan,oo waliba xoriyadeena ka qaadanay Ingiriiska, ayeynu Somaliya la midawnay, inagoo markaas raadinayna shantii Somalida, midawgaas aynu la midawnay dheef kamaynu helin ee midho dhalkiisi wuxuu noqday cadaadis, dil iyo in horumarka la inagala dagalaamo, halgan dheer kadibna dib ayeynu ula soo noqonay xoriyadeenii, imikana ku dhawaad sodon sanno ayeynu nahay dal madax banaan, wax badan baynu qabsanay, iyadoo aanay ciddi inaga caawin, markaas mar haddii aynu Somaliya kala soconay inagoo og sidii dadkeena loo galay, maaha inay ina daba socdaan, oo midnimo dambe raadiyaan ama ay ina sheegtaan, Somaliya oo dib ula midawnaan waa habeenkii xalay ahaa ee tagay, midnimadii hore ayeynu ka qoomamaynaa, ee Maamulka Xamar inay midnimo dambe raadiyaan, fikrad khaldana u sheegaan caalamka waa u damiir xumo, ee Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay inay ka hor tagto dabinada ay Somaliya inoo maleegayso iyo beenta ay Caalamka u sheegayso, Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay inay aad uga taxadirto khatar kasta oo inagaga imanaya Somaliya haddii ay noqoto dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay in qadiyada Somaliland meel kasta ka rido, si aynu u helno aqoonsi caalamiya”.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed mar uu baaq u diraayey Shacabka Somaliland ayaa yidhi “Shacabka Somaliland waa Shacab muwaadiniin ah, oo dalkooda iyo dadkoodaba ilaashanaya, waxaan se leeyahay aad uga feejignaada, oo nabadiina iyo qarankiina ilaashada, oo Xukuumaddiina garab istaaga, oo Ciidankiina garab istaaga, nimcadiina waa taas inoo da’day, ee ALLE inaga dulqaaday Abaartii, ee shugriga ALLENA aynu badino”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here