Taliyihii Degmada Xaaji Saalax Oo La Toogtay

0
659

Picture7Hargeysa(Geeska)-Taliyihii degmada Xaajisaalax ee gobalka Daad-madheedh Hure Sahal ayaa lagu dilay tuulada Laanmulaaxo, xili uu halkaas u joogay hawlo shaqo. Taliyaha ayaa la sheegay in ay toogteen dablay hubaysan oo aan gacanta lagu dhigin.

Degmadan Xaaji saalax ayaa hoostimaada gobalka Daadmadheedh, waxaana lagu soo warmayaa in deegaanadaas haatan ay ku sii jeedaan masuuliyiin kala duwan oo dawlada ka tirsan, wararka qaarkood ayaa sheegay in taliyaha loo dilay aano qabiil, lagana cabsi qabo inay ay laba beelood oo deegaankaas wada dagaa ay isku dhacaan.

Guddoomiyaha Degmadda Xaajisaalax  Khadar Cabdi Oday oo saxaafadda  u waramay ayaa isaguna dhankiisa ka hadlay dilka taliyahaas loo gaystay waxa uu yidhi “Waxaan Tacsi u Dirayaa Dhamaanba ehelki,qoyskii iyo qaraabadii iyo Asxaabtii  Iyo umadda Reer Somaliland ee uu ka baxay marxuunkaasi dalka Iyo dadka uu u Shaqaynayey,Intaa Ka Dib Xalay(Habeen hore) kowdii habeenimo ayaa Hure Sahal Lagu dilay tuuladda laanmulaaxo oo uu hawlo u tagay waxaana Sida la sheegayo taliyaha Loo dilay aano hore oo u dhaxaysay laba beelood oo walaalo ah oo deegaamadan wada daga kuwaasi oo dilal hore Isu gaystay markaa hadda weli lama aasin waxaan kaloo kuu sheegayaa weli in aan la soo qaban gacan Ku dhiiglayaashii laakiin raacdo ay ku daba jirto “

Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata  waxaa uu yidhi“Runtii xaaladdu hadda wey kacsan tahay mana jirto cid iskeed isu xilqaantay oo bilowday wax waan waan iyo wadda hadal ah xaaladduna waxay maraysaa meel xun dawladda oo aanu arintan gaadhsiinay ayaa noo sheegay inay nagu soo maqan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka RRU-da balse weli anaga namay soo gaadhin.Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dadka walaalaha ah ee wada degan waxaan leeyahay nabadgelyadda hala Ilaaliyo arrintana cagta haloo dhigo weli baadhitaan ayaa Socda Markaa Waxaan Idin ka codsanayaa in amaanka la sugo”