Taliye Taani Oo Xabsiga U Taxaabay Taliyihii Qaybta 31aad Gaashaanle Sare Doolaal

0
1553

Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa la sheegay inuu xabsiga u taxaabay taliyihii guutada 31aad ee ciidanka qaranka ee gobalka Sool Gaashaanle sare Ismaaciil Faarax Cawaale (Doolaal).

Ma jiro war rasmi ah oo taliska ciidanka ka soo baxay, laakiin shabakadda wararka ee Hadhwanaag News ayaa baahisay in Taliye Doolaal lagu xidhay xarunta miiska saraakiisha ee Hargeysa. Waxa kale oo uu warku sheegay in taliye Taani uu xilkii ka qaaday sarkaalkan uu xabsiga u taxaabay oo madax u ahaa qaybta 31aad ee ciidanka qaranka Somaliland ee fadhigeedu yahay gobalka Sool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here