Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Maanta U Socdaalo Gudashada Waajibaadka Xajka

0
769

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo xubno qoyskiisa ka tirsan ayaa la filayaa inay maanta u ambo baxaan gudashada waajibaadka xajka.

Madaxweyne Biixi oo ka mid ah martida uu boqorka Sucuudigu sannadkan martiqaaday, ayaa hore sida uu Geeska Afrika ogaaday wuxuu ka dalbaday dawladda Sucuudiga si uu  uga mid noqdo xujaajta sannadkan dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin inuu baasaaboorka diblomaasiga Somaliland ku xajo, in diyaarad gaar ah loo soo diro iyo inuu kulan la yeesho boqorka Sucuudiga.

Weli Geeska Afrika ma xaqiijin karo in Sucuudigu aqbalay dalabkaas iyo in kale, laakiin warar ayaa sheegaya in dawladda Sucuudigu Madaxweyne Biixi u soo dirtay diyaarad gaar ah oo maanta qaadaysa.

Madaxweynaha ayaa waxa la filayaa inay wehelin doonaan hooyadii, xaaskiisa iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here