Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Somaliland Wa Dumasho Dhabarku Muuqdo

0
528

baasheBeryahan Somaliland waxa dhexdeeda ka socdey doodo kulul oo ku saabsan wada hadalka maamulka madaxweyne Axmed Silaanyo la galay maamulka sheikh sharif ee Somaliya .Halka dadka qaar diidanyahey wada hadalka guud ahaan ba, sababna uga dhigaya kalsoni darro ay ka qabaan maamulka Silaanyo inu si adag u difaaci  waayo danaha iyo himiladda Somaliland iney hesho ictiraaf calaami ah iyago dalishanaya habacsanaanta,qorsha la’aanta iyo tuhun taariikhi ah oo Somaliweyn .

Haddaba isago dareenka shacabka Somaliland sidaa u qeybsan yahey ayuu madaxweyne Silaanyo  la galey wada hadal maamulka sheikh sharif ee waqtigisu gaba gaba yahey isago ku andacoonaya in beesha calaamka ku khasbeyso wada hadalkaa waqtigan,waxanay markiba bilaabeen dacaayada xoog leh oo ay warbaahinta qaranka u adeegsanaya guullo’na ku tilmaamaya wada hadalka  laakin markiba waxa soo if baxay wixi shacabka Somaliland ka baqa qabay oo ah iney sexeexeen qodobo ku lid ah qaranimada Somaliland sida qodobka 8aad ee chevening house iyo sexeexi madaxweynaha ee heshiiski Dubai u ka tagey astaanti qaranimo ee jamhuriyadda oo u ku sexeexey madaxweynaha Somaliland,arrintaas oo inaga dhigeysa maamuul goboleed hoos taga Shiekh Sharif .

Hadaan u soo noqdo dulucda maqaalkeygan ,wasiirka arrimaha dibadda Maxamad cabdilaahi wuxu maalmahan ku hadlayey,hadal iska hor iyo daba imanaya,wuxu ku hambalyeyay shirka muqdisho, ansixinta dastuurka lagu dhaqaayo dawladda somaaliyeed ee ina sheegeyneysa .Waxaanu marlabaad sii adkeyey  qodobka sideedaad ee heshiiski chevining house ee S/land oo han diidey dhaawac weynna gaadhsiyey qaranimada S/land,waayo sidu’ u taageera dawlad sheegeneysa iney ino taliso ?.haddana wuxu le yahey’’ Somalia hanaga deyso farogelinta ay nagu heyso,goboladayadan ay sheegeneyso iyo dadkayagan ay soo urursatey ‘’.Haddaba cid walba waxay ka dharagsantahey in muddo ah ba shirka Muqdisho ay joogeen siyaasiyeen iyo madaxdhaqmad S/land ah, Marku heshiiska sexeexaaye ee u hor fadhiyey wasiiradi sheikh Sharif muxu toos ugu odhan waayey naga daaya farogelinta, qodobka 8aadna u diidi waayey ?.  Somaalidu waxey ku maahmaahda’’Leyligu wuxu ka diida biyaha kashkiisa ku jira’’,waxa maalmaahan Shacabka S/land dhegehooda waxa soo gadheyey faanka Shiekh Sharif uu ku faanayo inu S/land la sexeexdey heshiishyo midnimo Somaaliyeed,ma’suulki u dambey ee beesha caalamka ee u markhaati furana  wuxu aha danjiraha u fadhiya jamciydda qurumaha dawladda imaraatka carabta oo yidhi ‘’Shirki Dubai ee Dhex marey labada madaxweyne ee S/land iyo Somalia wuxu aha bilowgi midnimada Somaaliyeed.’’

  Alla mahad leh.

Bashe .A.Gaboobe.

‘’Fiiro gaar’’

Shaley waxey aheyd 3 August sannad guuradi 18 ee assaaski ciidamada policeka,madaxweyne Silaanyo marki u ka qeyb galey sannad guuradi 16 naad wuxu balanqaadey inu sannadka dambe ciidamada darajada siin doono,ilaa maanta lama hayo .talow ma waxa lala sugaya midnimada Somaliya.