Maxamed-baashe Oo Xalay Xorriyadiisii Dib U Helay

0
634

Hargeysa(Geeska)-Waxa xalay toddobaad ka dib xorriyadiisa helay agaasimihii Telefishanka Star TV, Maxamed-baashe Xaaji Xasan.

Maxamed-baashe oo uu xadhigiisu abuuray dareeno lagaga gilgishay sababta loo xidhay, ayay maxkamadda gobalka Maroodi-jeex shalay ogolaatay damiin xalay si rasmi ah loogu soo daayay.

Xadhiga Maxamed-baashe, ayaa waxa ay hay’adaha ammaanku ku eedeeyeen inuu waday kacdoon dadweyne, laakiin Maxamed-baashe ayaa ka mid ahaa bulsho badan oo reer Somaliland ah oo saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta si dareen leh uga hadlay, ugana sameeyay qoraalo.