Taliye Fadal Oo Digniin Culus U Diray Wadayaasha Basaska Qaada Ardayda Dugsiyada

0
620

fadalHargaysa( Geeska )- Taliyaha ciidamada booliska Md. Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa digniin adag u diray wadayaasha baabuurta dugsiyada ee qaada carruurta da’da yar. Taliye Fadal, waxa kale oo uu daboolka ka qaaday inay qaabteen isla markaasna intoodii badnayd xabsiga u taxaabeen 50 tuug oo kamid ah kuwa caanka ah, ee aadka looga cawdo magaalada Hargaysa.

Taliya Caabdilaahi Fadal waxa uu sheegay inay bishii ramadaan wadeen hawlgalo amaanka lagu sii adkaynaayo, waxaanu arimahan kaga hadlay mar uu shalay warbaahinta ugu waramaayay xafiiskiisa, sida oo kale waxa uu warbaxintiisaana ku sheegay inay jiraan dhallinyaro kooxo kooxo ugu dagaalama magaalooyinka kuwaas oo uu sheegay in qaar kamid ah ay qabteen maxkamadna ay horgeeyeen.

Waxanu taliyahu ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya hawlgaladan ay tuugta caanka ah ku soo qabqabteen uu yidhi “ Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa maadaama oo lagu jiray bishii Ramadaan in uu ciidanka boolisku uu ayaamahanba ku jiray hawlgal balaadhan, oo kamaid ah hawlgaladiisii joogtada ahaa kuwaas oo aan ku sii xoojinayno amniga, waxna kaga qabanayno tuugta mudooyinkan danbe cabashooyinkoodu badnaayeen.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ Waxaanay ciidanka boolisku ay gacanta ku dhigeen 50 tuug oo caadaystayaal u badan, kuwaas oo 34 kamid la ah la horgeeyay maxkamada loona gudbiyay xabsiga, inta kalana aan si dhaqso ah u horgayn doono, hawshaasuna waa mid soconaysa, sidaas ayaan u sheegaynaa bulshada Somaliland siiba caasimada. Waxaan u sheegayaa dhamaan taliyayaasha qaybaha ee gobalada oo dhan inay sidaas oo kale sameeyaan oo ay aamniga guud xoojiyaan.”

Intaas kadib waxa uu taliye Fadal digniin u soo jeediyay basaska qaada caruurta dugsiyada ee magaalada Hargaysa oo ku socda  xawaare halis ku ah caruurta ay sidaan “ Waxaan halkan digniin uga soo jeedinaayaa basaska caasimada ee ardayda qaada oo xawli ku socda, khatarna galiya arday badan oo ay sidaan. Haddaba waxaan uga digayaa inay xawligaas saa’idka ah ay ku socdaan, waxaanan halkan uga sheegayaa hadday digniintaas yeeli waayaan  in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, oo isugu jirta ganaax iyo ciqaaba, haddii ay ka waan toobi waayaan. Waxaanan maamulayaasha dugsiyada kala duwan ka codsanaya inay u sheegaan basas layaasha inay xadgudubka iska ilaaliyaan. Waxii intaas dhaafsiisana waxaan ka qabsanaynaa waajibkayga. Waxa kale oo aad inta badan ku arkaysaa wadooyinka waaweyn ee caasimada gawaadhi iska dhiganaaya oo aay taraafikada isku qaylinayaan dadkaasna waxaan u soo jeedinayaa inay ilaaliyaan anshaxa wadada iyo nidaamka oo ay gacansiiyaan taraafikada.”

Ugu danbayntii taliyaha ciidamada booliska Cabdilaahi Fadal a, waxa uu ka hadalay dhalinyaro kooxo kooxo magaalooyinka isugu laysa oo uu sheegay inay sharciga horgayndoonaan, waxaanu u soo jeediyay waalidiinta inay la socdaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda “ Waxa kale oo aan idiin sheegayaa magaaladan Hargaysa iyo magaalooyinka kaleba waxa jira dhalinyaro koox kooxo isku laaya, dhalinyaradaas oo ah dhibaato soo korodhay oo laba kooxood had iyo jeer isku dila, waxaanay arintoodu ka bilaabmataa ciyaaraha, dhalinyaradaas oo ay ciidanka booliska inta badan is eryadaan, iyagana dhawaan waxaan qabanay dhawr iyo soddon oo waxaan horgaynay maaxkamada, waxaan waalidiinta u soo jeedinayaa inay ubadkooda ka war ahayaan, isla markaasna ay ka waaniyaan rabashka, haddii waalidku qabsan waayaana yaanay ka daba iman, waayo sharciga ayaa la gaynayaa, waxii uu xaq u leeyahayna waa la marinayaa.”