Dagaalka Dhaqaale Ee USA La Beegsanayo Alshabaab Oo Dabray Lacagtii Qurba Jooggu U Soo Dirayeen Ehelladooda

0
685

qurbaHargeysa- (Geeska/ Reuters) Nin Soomaali ah oo ku dhaqan magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ayaa maxkamad kaga socota dalkaas horteeda ka qirtay in uu qorshaynayey inuu ku biiro ururka Alshabaab ee ka hawlgala Soomaaliya, maxkamadaynta ninkan oo qayb ka ah ol’ole ay dawladda Maraykanku kula dagaalamayso ururka Alshabaab ayaa adkaysay lacagihii ay Soomaalida Maraykan joogtaa xawaaladaha u soo marin jireen dadkooda jooga gudaha dalkii la isku odhan jiray  Somalia.

Shaakir Al-Misri oo 28 jir ah ayaa bishiii August ee 2010-kii la qabtay xilli uu isu diyaarinayey in uu Maraykanka kaga baxo safar circa ah. Wasaaradda arrimaha  garsoorka dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ninkani uu qirtay dambiga lagu soo oogey, kadib markii uu maxkamadda ka dhamaystay in uu runta qirto kadibna xeer ciqaabeedka hadhow ku dhici doona khafiifiyo, kaas oo la filayo in uu noqon doono illaa 10 sano oo xabsi ah. Maxkamadaha lagu qaadayo Misri iyo rag kale waxa ay qayb ka yihiin dadaal uu Maraykanku waday tan iyo wixii ka dambeeyey qaraxyadii 11-ka spetermber ee dalka Maraykanka  oo ku doonayo in lagu joojiyo taageerada dhaqaale  ee uu ururka Alshabaab helo.

Somali Maraykan dalkaas deggen ayaa sheegay in ololahan amni ee uu Maraykanku dhinaca dhaqaalaha kaga qaadayo Alshabaab ay raad weyn oo taban ku leedahay xawilaaddii lacagaha ee sida sharciga ah ay Soomaalida Maraykan joogtaa ugu soo diri jireen dadkooda baahan ee ku dhaqan dalkii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya oo hadda loo aaminsan yahay in uu yahay goobta ugu faqrisan dunida oo dhan.

Warbixintan oo lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Reuters qaybteeda Carabiga waxaa lagu sheegay  in dadka asalkoodu Soomaalida yahay ee ku nool gobolka Minnesota iyo gobollo kaleba ay aad ula macaamilaan nidaamka xawaaladda oo ah hab u  fududaynaya in ay biilalka u diraan dadkooda jooga Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaato ee Bangiyo tiro badan ayaa joojiyey in ay dadka Soomaali Maraykanka ah u furan xisaabo bangi oo ay lacagta ugu xawili karaan dadkooda iyaga oo ka cabsi qaba in ay taasi ka hor keento shuruucda cusub ee Maraykanku kula dagaalamayo dhaqaalaha gaadha Alshabaab iyo in lacago ay direen ay ku dhacdo gacanta Alshabaab oo ay taasi u soo jiiddo eedo.

Soomaalida deggen dalka Maraykanka ayaa la sheegayaa in ay sannad kasta ehelkooda jooga dhulka Soomaalida u soo diraan, lacago biilal ah oo aad u xaddi badan, dhanka kalana xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dakhlig Soomaaliya xawladuhu soo galiyaan uu yahay lacag tiradeeda guud gaadhayso illaa 2 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo u dhigmaysa saddex meelood meel ka mid dakhliga soo gala Soomaaliya in uu yahay lacagta la soo marinayo xawaaladaha.

Waxaa muddooyinkan dambe dalka Maraykanka ka socday dacwado lagu soo oogayo 18 qof oo lala xidhiidhinayo in ay ciidamo u qoreen iyo in ay lacag u ururiyeen ururka Alshabaab, qaar ka mid ah dadkaas ayaana maxkamadda ka hor qirtay eedaha loo soo jeediyey, waxase jira tuhuno sheegaya in Alshabaab ay lacag qaadhaan ah oo magacyo kale xambaarsan ka hesho dad fikirkooda taageersan oo ku dhaqan dalalka reer galbeedka.

Lacagaha laga soo xawilo Maraykanka oo joogsada ama caqabado hoos u dhigaa ku yimaaddaanna waxa ay noqon doontaa arrin si weyn looga dareemo guud ahaan dhulka Soomaalida oo bulshadeedu marka horeba la daalaa dhacayaan dhaqaale xumo, colaado iyo baahi ka dhalatay abaaraha ba’an ee soo jiitamayey muddada dheer.