Somali Mataano Ah Oo Dacwad Arrimo Argagixiso Ku Saabsani Kaga Socoto Dalka Ingiriiska

0
613

UKLondon (Geeska/Washington Post)- Laba Soomaali mataano ah kuna nool London ayaa ku dooday denbi la’aan, ka dib markii lagu eedeeyey inay taageero dhaqaale u fidiyaan argagaxisada dalka Soomaaliya.

Maxamed Shabir cali iyo Maxamed shafiq cali oo 25 jir ah ayaa aqbalay qeybo dacwadooda ah, taasoo maanta lagu xukumi doono.

Walaalahan ayaa markii hore lagu eedeeyey inay ka caawiyaan dadku samaynta falal argagaxiso, taasoo ay ku kabsan karaan xabsi daa’in hadii lagu helo. Laakiin, hadii ay qirtaan caawintoodaa waxa lagu xukumi doonaa xbasi ugu yaraan 14 sannadood.

Bishii April oo walaalahan la xidhay ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inay haystaan duruus qeexaysa “44 qeybood ee lagu caawin karo jihaadka” oo u qoray  Anwar al-Awlaki, oo sannadkii hore lagu dilay yemen.

Eedahaa shalay ayaa gaar looga saaray.