Sheekh Aadan Siiro Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inaanay Dadka Kicinin

47
720

Picture5Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), ayaa xukuumadda ugu baaqay in aanay dadka kicin ku samayn, isla markaasna ay ka daayaan cabudhinta.

Sida oo kale waxa Sheekh Aadan Siiro ka hadlay dhacdadii masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee UCID lagaga hor joogsaday galitaanka gobalka Gabilay, waxaanu arimahan kaga hadlay Sheekhu salaadii jimcaha, waxaanu hadaladiisa ku bilaabay sidan“Waxaanu leenahay cagta haloo dhigo oo talada dadka hala qaato waxna ha lays waydiiyo, dadku waa wada hubaysan yahay haday kala kacdana cid isku keenaysa ma jirto,xoriyada dadka ilaaliya waxa loo soo dagaalamay in dadku xor ahaado,oo diintooda maalkooda iyo aragtidoodaba ay xor u ahaadaan, dadka hala daayo, nin meel laga celin karaa ma jiro oo nin walba Alle ayaa meel ku abuuray,haddii kale nin waliba meeshiisa ayuu xidhan doonaa,waar dadka yaan karaamadda laga qaadin oo halaga daayo ka badbadinta,maamulkan kooban waxaanu leenahay waa laydin ixtiraamayaa oo wakhtibaad leedihiin, laakiin waxa dadku ku heshiiyeen ilaaliya, hadii taas la yeeli waayo karis xun ku wax la’ iyaduna,waa lays canaanayaa waxbaa laysku sheegayaa oo waa la tilmaamayaa,ninka aan jeclayn in la tilmaamo oo la toosiyo gurigiisa hayska fadhiyo cidna canaanan maysee.”

Sheekh Aadan Siiro oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Marka waxa laguu sheego waxa ku dar,dirayska yaa leh, waa kii umadda ee nin kursigaas fadhiyaa ma laha,hubka umadda ayaa leh waa waxii ay islaanta Tamaandhada ku fadhidaa bixisay,cidna laguma cabudhin karo, hadii laga dayn waayana waa la kala qaadan doonaa,waar waxa la qabanaayo caqli iyo xigmad ha lagu daro waxa la qabanaayo, ka jooga ayaan laga yeelayn,oo kii laga tagaybaan laga yeelayn oo ka soo socda ayaan laga yeelayn ee talada umadda hala qaato oo wax ha lays waydiiyo, waxaanu leenahay xoriyada dadka hala ilaaliyo oo ha lays dhagaysto.asxaabtan yar yar waxa loo sameeyay in aynu ku kala nabad galno oo aynaan is dilin ee halkaas lagu murno,laakiin tii laftigeedii haddii la ogalaan waayo dadku waa uu hubaysan yahaye in lays dilo sow maaha, wanaag iyo nabad ayaynu haysanaa, laakiin ma hayaan afartaas askari, KULMIYE nabada ma hayo,afarta wasiir ee halkan fadhiyaa ma hayaan,nabada umadda ayaa leh oo sameeyay oo ilaalinaya, lacagta halkaas taala iyo dahabka yaa ilaaliya, umaddaa ogol inay halkaas nabad ku wada fadhido, ka wax ku ahina waa kolba ka jooga oo waataas loogu heesayaa oo durbaanka loogu garaacayaa,ilaaliya sharciyada oo dadka ka daaya cabudhinta, dadka ha kicinina idinkaa kicinaayee.”

 

Comments are closed.