Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ciidamada Amray In Sadex Goor Qaadku Ka Mabnuuc Yahay

0
731

 

Wajaale(Geeska)-Taliyaha ciidanka booliska Maxamed Aadan Dabagale ayaa ciidamada faray in aan qaadka lagu arki karin marka ay saldhigyada joogaan,marka ay dirayska xidhan yihiin iyo In gaadiidkoodu uu istaago goobaha qaadka laga iibsado.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa sidan ka sheegay socdaal uu ku tagay Gabiilay iyo banka la beero ee Wajaale, waxaanu isaga oo bankaas ka hadlaayay uu yidhi“ Xidhiidhka inaga iyo dadweynaha inoo dhaxeeya inaan wanaajino weeye   ta laysku haystaa waataas, taan doonayno inaan wax ka badalno waa taas  xidhiidhka inaga iyo dadweynaha inoo dhaxeeya waan badalaynaa waan wanaajinaynaa, marka la soo qabanaayo qofka dhibanaha ah ee kuu soo ashkatooday waa la raacayaa si wanaagsan oo edeb leh ayaa loogu soo qabnayaa,qaadku sadex  goorba waa mabnuuc markaan saldhiga joogno waa mabnuuc,markaan labisanay inaan qaadanaana waa mabnuuc  gaadhigeenu inuu iibsado oo uu istaago isagoo calankaas madow leh waa mabnuuc, ninka doonaya inuu rasaas isla dhacow aqalkaaga gudhiisa iskula dhac  lama ogola, iska daaya idinkana way diin fiican tahay. ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here