Taliyaha Booliska Oo Sheegay Inay Laba Nin U Qabteen Dilka Haweenaydii Lagu Dilay Xaafada Jigjiga Yar Ee Hargeysa

0
784

Picture6Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidanka booliska Somaliland  Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,ayaa ka waramay falalkii dilalka ahaa ee ka dhacay caasimada Hargeysa dad loo qabqabtay.

Taliye Cabdilaahi Fadal waxa uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen laba nin oo ku eedaysan haweenaydii lagu dilay xaafada Jigjiga-yar, waxa sida oo kale uu xusay inay haweenay u hayaan gabadhii lagu dilay xaafada calaamada iyo sida oo kale qof kale oo ay u qabteen muwaadin isagana lagu dilay wadada laamiga ah ee magaalada Dacar-budhuq.

Waxa kale oo uu taliyahu  sheegay inay gacanta ku dhigeen toban qof oo ku eedaysan falal argagaxiso oo qaarkood uu sheegay inay ku hayaan cadaymo Buuxa,halka kuwa kalena laga baadhayo. Ugu danbayntii waxa uu taliye Cabdilaahi Fadal uu sheegay inay gacanta ku dhigeen160 qof oo tahriibayaal reer Somaliland ah,isla markaasna 11 qof maxkamad loo soo taagayo.

Waxa uu sidan ku sheegay   Taliyaha ciidanka booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, mar uu shalay warbaahinta ugu waramayay xafiiskiisa, waxaanu ugu danbayntii warkiisan ku sheegay inay qabteen maxkamaduhuna xukumeen 48 danbiile oo isugu jira tuug iyo moobayl boobayaal.

Taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal oo ugu horayntii ka hadlaayay dilalkii ka dhacay Hargeysa  iyo cida loo qabqabtay waxa uu yidhi “ Waxaan idinla socod-siinayaa waxa todabaadkii la soo dhaafay caasimada ka dhacay dilal kuwaas oo ahaa laba gabdhood iyo hal nin oo dariiqa dacar budhuq ku dhintay,arimahaas ciidanka boolisku waxa uu ka galay baadhis dheer iyo xuuraan badan. Ciidanka boolisku waxay xalay (Habeen Hore ) qabteen laba wiil oo dhalinyaro ah oo raad culus uu galay oo loo haysto falkii dilka ahaa ee ka dhacay aaga Jigjiga- yar 18-6-2013,waxaanan arinkaas aan uga mahad celinayaa odayaal wanaagsan oo reer Somaliland ah oo nagala hawl galay,sida oo kale gabadhii xaafada Calaamadaha lagu dilay iyadana waxa u xidhan gabadh,falka ka dhacay dariiqa Dacar-Budhuqna waxa loo qabtay hal qof  oo baadhitaan qoto dheer  ayaa dhamaantood kiisaskaas ka socda.”

Taliyahu isaga oo ka hadlaayay hawl-galda dhanka argagixisada waxa uu yidhi “ Ciidanka boolisku baryahan waxay kaloo ku jireen hawl-galo ku waajahan kooxaha argagaxisada ah waxaana ilaa iyo hada la xidhay toban qof oo ciidanka boolisku ay gacanta ku dhigeen dadkaas oo qaarkood raadad cad cad oo muhiim ah lagu hayo, kuwa kalena ay baadhistii ku socoto.”  

Taliyaha ciidanka booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo ugu danbaytii ka hadlaayay hawlgalo ay ka fuliyeen tahriibayaasha ,tuugta iyo moobayl boobayaasha ayaa yidhi “Arinka tahriiba oo isaguna aafo qaran ah oo dhibaato qarankan ku haya,waxay ciidanka booliska Somaliland iyaga oo kaashanaaya waaxda socdaalka ee Somaliland ay ku guulaysteen inay qabtaan ama badbaadiyaan 160 dhalinyaro ah oo kuwii la tahriibinaayay ah waxaanan dhamaantood gacanta ka galinay waalidiintood, waxa kale oo ay ciidanka boolsiku gacanta ku dhigeen 11 qof oo ah dadkii loo hayastay falkaas tahriibinta ah kuwaas oo ay gobalka gabiilay kaga socoto maxkamadi.Ciidanka boolisku waxay maalmahan wadeen hawlgalo joogto ah oo ay ku qabqabanayeen tuugta iyo dhalinyarada moobaylada boobta isaga oo hawlgalkani ah mid joogto ah oo socda waxa hada la qabtay 48 ka mid ah dhalinyaradaas iyo tuugtaas oo lagu qabtay mindiyo halis ah,baangado iyo waxyaabo kelaba waxaanay isla maanta(Shalay ) maxkamada Hargeysi ay ku xukuntay laba bilood oo xadhig ah waana hawl gal socon doona.ciidamada RRU-du waxay  ka mid yahiin ciidanka booliska oo u tabo-baran hawlgalada gaarka ah iyo khataraha ku soo waajahan shacbiga Somaliland,yaan loo arkin cadaw waynu arkaynaa waxa mandaqada ka taagane, waana ciidan wax ka qabta khataraha ku soo wajahan shacbiga Somaliland, waxaanan rajaynayaa in gacan wanaagsan la siiyo oo ay u arkaan ciidankoodii.”