Dawlada Maraykanka Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Safraan Somaliya Iyo Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Ammaanka Caasimada Muqdisho

1
664

Picture7Hargeysa(Geeska)-Beesha caalamka ayaa kalsooni darro ka muujisay ammaanka caasimada Somaliya ee Muqdisho ka dib qaraxii Arbacadii lala beegsaday xarunta UNDP ee Muqdisho.

Qaraxaas lala eegtay xarunta UNDP, wuxuu muujiyay dabaca amni ee ka taagan Muqdisho iyo awoodda ay Alshabaab weli ku leedahay halkaas taas oo u saamixi karta inay sameeyaan falal kala duwan. Waxaanu qaraxaasi noqday mid su’aal geliyay awoodda dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ee la tacaalidda caqabadaha amni.

Dawladda Maraykanka ayaa iyadoo ka jawaabaysa walaacaas amni waxa ay shalay soo saartay digniin amni oo ay u dirtay muwaadiniinteeda, waxaanay uga digtay inay wadankaas u safraan, iyadoo digniintan lagu cusboonaysiiyay digniin uu Maraykanku hore u soo saaray. “Xaaladda amni ee gudaha Somaliya maaha mid degen waana khatar. Hawlgalada argagixisada iyo kooxaha hubaysan ee Somaliya waxay cadeeyeen ujeedadooda inay weeraraan maamulka Somaliya iyo AMISOM.” Ayaa lagu yidhi qoraalka digniinta ah, waxaana intaas la raaciyay inay kooxaha Somaliya ka dagaalamaa si gaar ah u beegsanayaan ajaanibka “Waxa jirta khatar gaar ah oo ku waajahan ajaanibka ku sugan goobaha buuqa ah ee la isugu yimaado.”

Dawladda Maraykanku waxay ku nuuxnuuxsatay khataraha argagixiso ee ka jira guud ahaan Somaliya iyo cabsida amni. Maraykanku wuxuu sharaxaad ka bixiyay weerarada kala duwan ee ay Al-Shabaab muddooinkii u dambeeyay fulisay, kuwaas oo uu ku jiro qaraxii u dambeeyay ee Arbacadii lala eegtay xarunta UNDP. “Iyadoo ay Muqdisho iyo qaybo kamid ah koofurta iyo badhtamaha Somaliya ay hoosyimaadaan goobaha ay dawladda Somaliya maamusho iyadoo taageero ka helaysa AMISOM, haddana Al-Shabaab waxay sii wadadaa inay cadayso awooda ay u leedahay inay weeraro ka fuliso goobaha ay dawladdu maamusho iyadoo si gaar ah u bartilmaameedsanaysa xarumaha dawladda. 19 June 2013 mitidiinta Islaamiyiinta ahi waxay weerar dhimasho keenay la beegsadeen xarunta Qaramada Midoobay oo ay ku dileen ugu yaraan 17 ruux. AMISOM ayaa kala dambaynta soo celiyay ka dib dagaal qaatay 90 daqiiqo.” Ayaa lagu yidhi qoraalka uu Maraykanku soo saaray.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo aad ula socda xaaladda Somaliya, oo aan magaciisa sheegin ayaa isna Arbacadii wakaaladda wararka ee Reuters, u sheegay in qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka oo indho la’aan ku taageeraya dawladda Somaliya ay hoos u dhigeen khatarta Al-Shabaab iyo waxyaabaha laga filan karo. “Arrintani waxay qayb ka tahay cawaaqibka ka dhashay niyad wanaaga aan xadka lahayn ee ay dawladaha reer galbeedka qaarkood oo qariyay baahida loo qabo in si qoto dheer loo eego dhibaatooyinka ka hor inta aan la soo rarin xafiisyada Qaramada Midoobay ee noocan ah.” Ayuu yidhi Sarkaalkaas Qaramada Midoobay ka tirasni, waxaanu intaas raaciyay inaanay dawladda Somaliya waxba ka qaban arrimaha ammaanka.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa iyaduna baahisay warar ay ka soo xigatay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaas oo sheegay in toddobaad ka hor weerarkii Arbacadii kor loo qaaday dareenka feejignaan ee xaaladda amni, waxaana la xoojiyay ammaanka madaarka Muqdisho, xarumaha milatariga iyo xayndaabka diblomaasiyiinta. Laakiin Al-Shabaab waxay weerarkaas fulisay hadhcad.

Digniintan amni ee Maraykanku waxay ka turjumaysaa aragtida walaaca leh ee ay beesha caalamku ka qabto amniga Somaliya iyo awoodda ay dawladda Xasan Sheekh u leedahay la tacaalista dhibaatooyinkaas amniga ku saabsan.

Comments are closed.