Shirweynaha Marwooyinka Koowaad Ee Afrika Oo Dalka Tansaniya Lagu Qabanayo

1
656

Picture5Daresalam(Geeska)-Dalka Tansaaniya ayaa markii u horaysay sannadkan martigelinaya kulanka marwooyinka koowaad ee qaaradda Afrika, kaas oo ay ka qayb geli doonto xaaska Madaxweynaha Maraykanka Michele Obama.

Kulankan oo magaalada Darasalam ku qabsoomi doona 2-3 July, waxa si weyn u soo dhaweeyay haweenka wadanka Tansaaniya oo kulanka u arka mid ay aragtiyahooda kula wadaagi karaan marwooyinka koowaad ee qaaradda oo saamayn ku leh jaangoynta siyaasadaha iyo dhaqaalaha dalalka ay ka soo jeedaan.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay wakaaladda wararka ee Tansaaniya soo saartay, waxa ay haweenka koowaad ee qaaradda Afrika shirkoodaas ku qabsan doonaan xarun loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush, waxaana lagaga hadli doonaan doorka ay mrwooyinka koowaad ee qaaradu ku leeyihiin kor u qaadista waxbarashada haweenka, caafimaadka iyo kobcinta dhaqaalaha, waxaana sidoo kale la filayaa in Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush iyo xaaskiisu ay hadal ka jeediyaan kulankaas.

Comments are closed.