Taliyaha Booliska Oo Ku Dhawaaqay Inay Gacanta Ku Dhigeen Ninkii Toogtay Guddomiyaha Maxkamada Gobalka Hargeysa Iyo Sifaha Lagu Soo Qabtay

37
651

fadalHargaysa(Geeska)-Taliyaha ciidamada booliska Somaliland Md. Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa si rasmiya daboolka uga qaaday inay gacanta ku hayaan dambiilhii toogashada ku dhaawacay gudoomiyaha maxkamadda gobalka Hargaysa Md. Cabdirashiid Duraan.

Wuxuu taliye Cabdilaahi Fadal xusay inay kadib  markii ay ku qanceen  baadhista qofkii gaystay falkaas  ay u bandhigeen odayaasha beeshiisa oo ka dib hay’adaha ammaanka u soo gacan geliyay xubintaas, mana sheegin magaca iyo tilmaanta ninkaas, wuxuuse sheegay inay toogashada guddoomiyihii maxkamadu dalka ku haysay xukunkii ay maxkamadda gobalka Hargeysa ku riday masuuliyiintii ka tirsanaa xukuumadda ee lagu eedeeyay musuqmaasuqa.

Sidan waxa uu ku sheegay taliye Cabdilaahi Fadal shir jaraa’id oo uu ku qabtay taliska ciidamadda booliska., waxaanu taliyuhu yidhi “Waxaan halkan idiinku soo gubinayaa arrin bulshada reer Somaliland ay natiijadeeda naga sugayeen oo si guul ah ku dhammaatay, arintaas oo ah falkii isku day dil ee l’la beegsaday gudoomiyaha maxkamadda gobalka Hargaysa Cabddirashiid Maxamud Duraan 11-6-2012 ee  dhaawaca loogu gaystay. Halkan waxaan idiinku soo gubinayaa in ilaa iyo maalintii uu falkaasu dhacay ciidanka boolisku ay ku jireen baadhis qoto dheer oo aad iyo aad u miisaaman si ay xaqiiqada runtaa u helaan, waxaan halkan bulshada uga sheegayaa mar qudha in aan ciidanka boolisku ka leexan tubtii markii ugu horaysay ay raaceen.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu taliye Fadal intaas raaciyay  “Intaas kadib markii ciidanka boolisku baadhis qoto dheer ku helay ee uu xaqiiqsay, kuna qancay cidii falkaas gashay ama fulisay ee aanu aqoonsanay, Waxaan la xidhiidhnay odayaal laba dhinac ah oo aan u bandhignay arinta iyo dad kale oo muwaadiniin ah waxaanay si fiican noogala hawl galeen sidii ciddii falkaas fulisay gacanta naloogu soo galin lahaa, nasiib wanaag maanta oo ay taariikhdu tahay 26 Juun waxa arintaas xil wayn iska saaray oo markii aan u bandhignay ee ay ku qanceen noo soo gacan galiyay odayaal laba dhinac ah oo dhinacii eedaysanaha falkaas inuu gaystay lagu eedeeyay ah”.

Taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal waxa uu sheegay in falkaas uu la xidhiidhay kiiskii dhawaan uu qaaday gudoomiyaha maxkamadda Hargasya“ Falkaas gudoomiyaha lagu dhaawacay ayaa ah mid la xidhiidha  kiiskii hore ee uu qaadayay gartiisa ee musuqmaasuqa, waxaanan idiin cadaynayaa oo aan halkan ku soo bandhigayaa inaan gacanta ku hayno ciddii falkaas gaysatay, hadday wax dhiman yahiina ay tahay wax la aqoonsaday oo insha allaah aan si fiican ugu guulaysan doono, waxaanan idiin sheegayaa in guul dhamystiran iyo  natiijo wanaagsan uu kiiskaasu ku dhammaaday.”

Waxaanu taliyaha ciidamda boolisku  u mahadnaqay dhamaan ciidamada booliska, si gaar ahna waxa uu ugu sii mahadnaqay qaybihii kamidka ahaa ciidmada booliska ee kiiskaas gacanta ku hayay iyo odayaashii gacanta ka siiyay in la soo gacan galiyo qofka falkaas ku kacay.

Waxaanu taliyahu ka gaabsaday in uu xuso shaqsigaas uu sheegay in ay ku qanceen inuu falkaas gaystay, waxaanu xusay in maxkamad ay hor gayn doonoonaan. Waxaana la filayaa in ninkaas maxkamadda la horkeeno maanta ama beri.

Comments are closed.