Madaxweyne Siilaanyo, Daahir Rayaale Iyo Muuse Biixi Oo Maanta Isu Raacaya Imaaraadka Carabta

1
640

siilaanyo1Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta socdaal ugu ambo baxaan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada oo xaqiijiyay safarka Madaxweynaha, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u cadeeyay in Madaxweynaha safarkiisu la xidhiidho kulan uu halkaas kula yeelan doono Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaanu kulankani daba socdaa war-murtiyeedkii toddobaadkii hore ka soo baxay shirkii ay London ku yeesheen Somaliland iyo Somaliya. Sida uu warku sheegay waxa Madaxweynaha safarkiisa ku wehelin doona guddoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ah Madaxweynihii hore iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa iyaguna magaalada Dubai ku sugan weftigii Somaliland uga qayb galay wada hadalkii London. Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa isna ku sugan dalka Imaaraadka Carabta.

Ka mid noqoshada weftiga Madaxweynaha ee Daahir Rayaale Kaahin, waxay muujinaysaa in Madaxweynihii hore uu taageersanyahay wada hadalada u bilowday Somaliland iyo Somaliya, waxase jira warar sheegaya xubno UDUB ah oo ka soo horjeeda wada hadaladaas.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa inay sii ambo qaadaan wada hadaladiii u bilowday labada wadan, si gaar ahna waxay wada jir u saxeexi doonaan qodobadii u dambeeyay ee ka soo baxay shirkii ku qabsoomay magaalada London. Waxaanu noqonayaa kulankii u horeeyay ee tan iyo markii ay Somaliland xorriyadeeda la soo noqotay dhex mara laba Madaxweyne oo ka socda Somaliland iyo Somaliya, laakiin wada hadalkan labada Madaxweyne ayaanay u muuqan inay ka soo bixi doonaan wax natiijo ah oo salka ku haysa doodda ugu adag ee labada dhinac oo salka ku haysa madaxbanaanida Somaliland iyo midnimada Somaliya. Sidaas marka ay tahayna wuxuu wada hadalkoodu ku dul meeri doonaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada la dagaalanka budhcad badeeda iyo arrimaha amniga.

Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa Isniintii sheegay in natiijada ay dawladiisu ka rabto wada hadalka Somaliland ay tahay dib u soo celinta midnimadii Somaliya.

Si kastaba ha ahaate, iyadoo ay qodobada wada hadalkii u dambeeyay ee London ku jireen kuwo ay bulshadu si weyn u cambaaraysay, ayaa waxa imikana loo dheg taagayaa natiijada uu Madaxweyne Siilaanyo kala soo noqdo kulanka uu aqbalay inuu la yeesho Madaxweyne Shariif oo ay mudadiisii xil  hayneed ka hadheen wax ka yar konton maalmood.

Comments are closed.