Taliyaha Booliska Oo 38 Sarkaal U Soo Xidhay Tababar Ku Saabsan Dambi Baadhista

0
729

booliskaHargaysa(Geeska )-Taliyaha ciidanka Booliska Md. Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arimaha gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa si rasmiya ugu soo xidhay tababar 38 sarkaal oo kamid ah danbi baadhayaasha caasimada Hargaysa, kuwaas oo qaatay tababar socday mudo 45 maalmood ah oo kor loogu qaadayay heerkooda baadhiseed iyo aqoonta ay u leeyahiin shuruucda dalka.

Taliyaha ciidamadda Booliska Md. Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ku sababeeyay tababarkan mid lagu yaraynaayo cabashada booliska ay ka tirsadaan shacbigu, isla markaasna lagu hagaajinaayo cadaalda dalka.

Xidhitaanka tababarkan oo ay ka soo xaadireen saraalkiil badan iyo wasiir ku xigeenka dhanka amniga wasaarada arrimaha gudaha, ayaa ugu horayntii waxa ka hadlay Jaamac Xariir oo ah sarkaal kamid ah kuwii siinayay tababarkan kooxdan danbi baadhayasha ah, waxaanu isaga oo ka war baxinaaya yidhi  “Saraakiishan waxay halkan ku qaadanayeen shuruucda kala duwan ee dalka kuwa guud iyo kuwa gaar ahaaneed, baadhista danbiyada waxa intaas u raaca caafimaadka iyo faraha oo ay wax ka qaateen, qodabka 14 xeerk booliska ee daraafka ah waxa uu tilmaamayaa in waajibaadka ciidanka boolisku uu yahay ka hortaga danbiyada, in danbiga laga dabatago, ilaalinta nafta iyo maalka qofka, dhawrista xasiloonida bulshada, qabshada iyo horgaynta maxkamadda kuwa sharciga dalka  khilaafa, intaas oo dhan waxaan la wadaagnaa ciidankasta oo Boolis ah oo dal kasta jooga.”

Taliyaha ciidamada booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo sarkaalkan kadib tababarkaas ka hadlay ayaa ka warbaxiyay kooxdan tababarka loo soo xidhaayo iyo sida ay u doonayaan inay u yareeyaan cabashada booliska kaga timaada dhanka shacbka, waxaana hadaladiisa kamid ahaa “Waxa tababarkan loo soo xidhayaa oo halkan fadhiya 38 baadhayaasha sare ee qaybaha caasimada ah, waxay ahayd markaan xilka la wareegay waxyaabhii aan balan qaady in aqoontooda kor loo qaado, tababarakan waxa uu socday muddo 45 casho ah,   wax la siinayay oo lagu tababaraayay xeerarka guud iyo kuwa gaar ahaaneed, kuwaas oo kala ah xeerka ciqaabta guud iyo xeerka habka ciqaabta iyo xeerarka gaar ahaaneed. Waxyaabaha la baraayay wax ka mid ah baadhista kiisaska danbiyada oo ah in kiisaska ay ciidanka boolisku gacanta ku hayaan ay noqdaan kuwo dhamaystiran oo ay yaraato cabashada booliska naga soo gaadhaysa talis ahaan, taas oo ahayd sababta ugu wayn ee tababarkan loogu furay.” Ayaa uu yidhi taliye Fadal waxaanu intaas raaciyay “Sida oo kale waxa iyaduna barbar socota qolo ka socota qaybta baadhista danbiyada iyo wardoonka oo iyaguna xerada birmadka ku qaata hawlaha baadhista danbiyada iyo hawlaha dabo-galka, kuwaas oo wakhti dhaw loo xidhi doono.”

Wasiir ku xigeen amniga ee wasaarada rimaha gudaha Cabdilaahi Abakor Cismaan, oo isagu si rasmiya tababarkaas ugu soo xidhay 45-kan danbibaadhe ayaa ugu horayntii kooxdan danbibaadhayasha ah ku hanbalyeey cilmiga u kordhay, waxaanu ku tiilmaamay danbibaadhayaaasha inay yahiin meesha ugu horaysa ee looga baahan yahay inay cadaaladu ka soo hanoqaado si dhamaan xukunada ka danbeeya ay u noqdaan kuwo cadaalad ah. Waxana hadlkiisa kamid ahaa “Waxaan rajaynayaa aqoontiina iyo garaadkiina oo sare loo qaada inay wax waynka tarayso cadaalda guud ee Somaliland, waxaan jaclahay qof kasta oo inaga mid ah waa masuul ee waa inuu gutaa masuuliyadiisa, arinka baadhista ka qaloocsamaana waa uu ku soconayaa qaloocu ilaa maxkamadda, waxaanan ku hanbalyaynayaa dadaalka balaadhan ee uu sameeyay taliyaha ciidanka boolisku.”