“Walaalaheen Reer Somaliland Dhibaato Ayaa Loo Gaystay, Waxaanan U Gaynay Raaligelin”

0
3923

sheekhaMuqdisho(Geeska)-Madaxweynaha dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu shacabka Somaliland siiyay raali gelin la xidhiidha xasuuqii foosha xumaa ee ay dawladii Maxamed Siyaad Barre u gaysatay.

Shariif, oo shalay hadal ka jeediyay kulan uu u qabtay odayaasha dhaqanka Muqdisho, ayaa wuxuu ku sheegay inay Somaliland ku heshiiyeen inay wada hadaladu sii socdaan.  "Walaalkaa haddii uu wax kaa tabto waxa habboon inaad tidhaado raalli ahow… waxaan u geynnay raalli ahaada, wixii dhacay in laga wadahadlo ayaan ogol nahay.” Ayuu yidhi Shariif Sheekh Axmed, isagoo intaas raaciyay  “Walaalaha reer Somaliland dhibaato ayaa loo geystay dhibaatadana meel walba ayey ka dhacday laakiin nasiib wanaag cid dhaheysa waan go’eynaa ma jirin waayo dhibaatadii dhacday dhibaato qabiil amaba dad gaar ah ay geysteen ma aheyn balse walaalkaa haduu wax kaa tabanayo waa waajib inaad daweysid wada hadalladaasina meel wanaagsan ayey noo marayaan.”

Hadaladan Sheekh Shariif, waxay ku soo beegmayaan laba maalmood ka dib kulan uu magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay soo wada saareen afar qodob oo ay ku heshiiyeen.