Djibouti iyo Somaliland Oo Xuduudka Labada Dal Ku Yeeshay Kulan Amniga Ku Saabsan

1
672

cadooLawyacado(Geeska)-Dawladaha Somaliland iyo Djibouti ayaa magaalada Lawyacado ee gobalka Salal ku yeeshay kulan ku saabsan iskaashiga dhinaca amniga mandaqadda.

Taliyaha waaxda socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf oo ay wada socdeen saraakiil ka tirsan waaxda socdaalka ee Djibouti oo ay ka soo wada gubeen xadka dhinaca Djibouti ee labada dal, ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Lawyacado, waxaanay ka wada hadleen xoojinta nabadgelyada  iyo ka wada shaqaynta xuduudaha iyo la dagaalanka tahriibayaasha. Kulankaas oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen madaxda Somaliland ee waaxda socdaalka ee gobalka Salal, waxa la isku afgartay inay labada hay’adood iska kaashadaan arrimahaas, islamarkaana la isweydaarsado xogta iyo macluumaadka la xidhiidha arrimaha amniga iyo adkaynta nabadgelyada.

Comments are closed.