Taliyaha Asluubta Oo Beeniyay In La Kala Diray Kooxdii Kubadda Cagta

0
554

aslHargaysa( Geeska )-Taliyaha ciidamada Asluubta Maxamed Faarax Xuseen Xiirane, ayaa daboolka ka qaaday inay dib u eegis iyo dib u habayn ku samayn doonaan ciidanka asluubta, taas oo uu ku macneeyay kor u qaadida shaqada ay qaranka u hayaan ciidamada Asluubtu oo uu ku tilmaamay mid xaasaasiya. 

Sida oo kale taliyahu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in la kala diraayo kooxaha kubada ee ku ciyaara magaca ciidmada asluubta, waxaanu ku celceliyay inay kooxahas dhiirigalin doonaan.

Taliya  ciidamada Asluubta Maxamed Faarax Xiirane waxa uu sidan ku sheegay mar uu si gaar ah ugu waramayay Tilifishanka HCTV iyo wargayskan Geeska Afrika, waxaanu isaga oo arimahaas ka warmaaya hadalkiisa ku bilaabay “ Waxaan dardargalinay intii aan joognay in ciidankii asluubta boodhka aan ka hufno oo aan ka dhigno ciidan lagu seexan karo, maadaama oo la keenay budhcadbadeed dibada ah, danbiyadii kalena ay noo dheer yahiin, waxa qasab nagu noqday in ciidankii laga dhigo kuwo hanta shaqadii loo igmaday, taas ayaana keenaysa in ciidankii dib u eegis aan ku samayno, oo aan aad dib u jeeg-garayno, qorniinkiisii iyo qorigiisii iyo wax qabdkiisiiba, maadama oo aan nahay kuwo haya kuwii gacmaha kagaga gubtay, taasina waxay na faraysaa in ciidankii la tayeeyo oo laga dhigo kuwo muuqda oo lixaad leh, waxna qaban  kara.” Ayaa uu yidhi taliyahu waxanau intaas sii raaciyay “Ta kale ee aan raacinayaa waxa weeyeen waxa baryahan la leeyahay kooxahii isboortiga iyo fanaaniintii ayuu taliska asluubtu eryay, anagu waxaan samaynay kooxdii kubada cagta, kolayga iyo fanaaniintiiba saddexdiibana cid aan ka erinay ma jirto, waxaanan samaynay kooxahan anaga oo la jaan qaadayna xukuumadda cusub, waayo awal asluubtu may lahaan jirin  noocyadaas markaa in aan sii kordhino mooye wax kale ma jiraan, Boorama imika kooxbaa tartan nooga qayb gashay oo koob soo qaaday, inaan sii horumarino mooyaane inaan wax ka dhino lagma yaabo, lakiin inaan isku noqono oo dib u eegno qofkii aan ciidanka waxba u tarayna  talaabo ka qaadno weeye, meeshiina ay muuqato, waayo xilkaanu haynaa waa xil adag oo xaasaasiya.”