Talefishan Muuqaalka Trump Ka Jaray Filimka ‘Home Alone 2’ Iyo Trump Oo Arrintaas Ku Eedeeyey Raysalwasaaraha Kanada

0
905

 

Washington (Geeska)- Talefishanka dawladda ee dalka Kanada ayaa filim Maraykan ah oo uu baahinayey waxa uu ka jaray qayb ka mid ah oo uu ka muuqday madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Arrintaasi waxa ay doodo iyo muranno kala duwan ka dhex abuurtay dadka reer Kanada. Waxa ay aad wax isaga weydiiyeen sababta kalliftay in filimka laga jaro muuqaalkan ka midka ahaa. Laakiin sheekadu waxa ay sii xiiso yeelatay markii madaxweynaha Maraykanku uu soo galay, isaga oo raysalwasaaraha dalka Kanada ku eedaynaya in uu ku lug leeyahay sababta muuqaalkiisa laga jaray filimka. Waxa aanu ku faanay in ka soo muuqashada filimkaasi ay Sharaf u ahayd.

“Waxa aan aaminsanahay in uu Justin Trudeau aanu jeclaysan sidii aan ugu qasbay in uu bixiyo dhammaan qaadhaankii iyo waajibaadkii kaga soo hagaagay Gaashaanbuurta Nato ama heshiiskii ganacsi ee dalkiis Maraykanka kula jiray” ayaa uu Trump ku qoray bartiisa twitter ka. Isaga oo intaas ku sii daray, hadal duurxul ah oo uu ku sheegayo in aanay marnaba suurtagal ahayn in raysalwasaaraha Canada uu isaga oo talada haya uu ogolaado in filimkaasi sidii uu saxda ku ahaa ku baxo. Inkasta oo uu Trump mar dambe hadalkaas si dadban uga noqday, isaga oo shegay in uu kaftan ahaa.

Dhinaca kalana wiil uu dhalay madaxweyne Trump oo ay isku magac yihiin (Donald Trump-yare) ayaa isaguna bartiisa Twitter ka ku qoray in arrintani ay tahay wax laga naxo.

Daawadayaasha talefishankan oo lagu magacaabo CBC ayaa cadhadooda ku muujiyey ol’ole ay baraha bulshada dhexdeeda ku faafinayaan ereyo ay ku dalbanayaan in maamula talefishanka dawladdu u caddeeyo sababta filimka looga jaray muuqaalka Trump.

Arrimahan ayaa kallifay in masuuliyiinta Talefishanku ay faahfaahin ka soo saaraan sida ay wax u dhaceen. Waxa ay sheegeen waqtiga ay filimkan ka jareen muuqaalka Trump in uu ahaa waqti aad u fog oo ka horreeyeyba doorashadiisii madaxweynenimada.

Afhayeen u hadlay talefishanka CBC oo lagu magacaabo Jack Thompson ayaa sheegay in ay arrin iska caadiya tahay in sababo markaas u muuqdaa ay keeni karaan in filimada uu talefishanku baahinayo, qaarkood ay ka jaraan muuqaallo. Sababta ay filimkan ‘Home Alone 2’ muuqaalka uga jareenna ay tahay iyaga oo diidanaa in waqtiga fog ee uu soo baxay la dareemo.

Afhayeenku waxa uu sheegay haddii filimka lagu dhex arko Trump oo dabcan aan markaas madaxweyne ahayn, in ay taasi markaba muujinayso gabowga filimka, sidaas awgeed uu muuqaalka Trump ka mid ahaa muuqaallo kale oo filimka laga jaray. Isaga oo intaas ku daray in muuqaalka Trump ee la jaray aanay qayb muhiim ah ka ahayn filimka ama qisada filimka aanay xidhiidh la lahayn.

“Muuqaalkan waxa aanu filimka ka jarnay sannadkii 2014 kii, markii shirkadda filimka lihi ay noo fasaxday baahintiisa. Waa ay ka horreysay markii Trump madaxweynaha loo doortay.” Ayaa uu yidhi afhayeenku.

Daawadayaasha filimkani kuma ay qancin warka ka soo baxay maamula talefishanka. Waxa aanay sii wadeen ol’olahooda oo ay ku sheegayaan in ay arrintani xidhiidh la leedahay siyaasad.

Filimku waa ‘Home Alone’ qaybtiisa labaad. Waa filim isugu jira maadays iyo miidaamo, oo soo baxay 1992 kii, waxa aanu qayb ka yahay taxane qaybo ahaa oo soo baxay 1990 kii, welina aan la soo xidhin.

Home Alone waxa uu nuxurkiisu ku wareegayaa dhacdooyinka qoysasku la kulmaan xilliyada fasaxyada iyo dalxiiska, ee ah in carruurta qaar lumaan. Waxa aanu muujinaya dhibta uu waajahayo ilmaha qoyskooda ka lumaa oo ay ka mid tahay in uu is uu tuugta iyo dembiileyaasha iska difaaco kana gudbo caqabadaha ka hor yimaadda.

Haddaba qaybta labaad ee taxanahan qisadiisu waxa ay ku wareegaysaa wiilka yar (Jilaaga) ee Kevin McCallister oo xilli ay fasaxa sannadka qoyskiisu ku tegeyaan California isagu inta uu lumay si qalad ah u tegey New York. Kaddibna rafaad badan kala kulmay.

Filimkan waxaa ku jira muuqaal muujinaya mar isaga oo maraya fagaaraha Central Park ayaa waxa uu arkayaa gabadh derbi jiif ah, oo aan haysan guri ay ku hoyato, arrintaas ayaa argagax ku abuuraysa. Waxa uu ku cararayaa huteelka Trump ee Plaza Hotel oo ku dhow.

Donald Trump ayaanu weydiinayaa halka uu ku yaallo hoolka huteelku isaga oo doonaya in uu raadsado mishiinka lacagta si uu ugala baxo lacag, maadaama oo uu sitay kaadhkii bangig

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here