Talefankiisa Gacanta Oo Uu Ku Hadlayey Ayaa Ku Burburay Qaraxii Paris Laakiin Isagu Waa Uu Badbaaday

0
691

Picture7Paris (Geeska)- Nin waqti yar kadib qaraxyadii Paris ay warbaahintu werisay in uu si mucjiso u eeg kaga badbaaday qaraxyadaas dadka badani ku dhinteen, balse talefankiisa gacanta uu khasaare waxtarkiisii burburiyey soo gaadhay, ayaa warbaahinta si toos ah uga sheekeeyey qisadiisa.

Ninkan Faransiiska ah oo sida uu sheegay dhowr mitir oo keliya u jiray mid ka mid ah goobihii saddexda ahaa ee weerarrada lala beegsaday Jimcihii ina dhaafay ee 13ka Noofamar ayaa caddeeyey in Falliidho ka soo duulay qaraxu ay ku dhaceen talefankiisa gacanta oo inta ay burburiyeen gubay, laakiin madaxiisa uu ka badbaaday. Wargeyska Daily Mail oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Sylvestre uu dhowr tallaabo u jiray ninkii isku qarxiyey bannaanka Garoonka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta ee Paris, qaraxaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof.

Si kastaba ha ahaato ee Sylvestre ayaa uu wargeysku sheegay in aanu ka wada badbaadin qaraxaas agtiisa ka dhacay oo ay meelo yaryar dhaawacyo fududi ka soo gaadheen falliidhadii ka firdhay qaraxa, waxaana ka mid ah lugta hoose iyo caloosha.

Qaraxan oo ka mid ahaa saddexda qarax ee ka dhacay Paris waxaa lala beegsanayey garoonka oo ay ka socotay ciyaar kubadda cagta ah oo ay iskaga hor yimaaddeen xulalka Qaranka ee Faransiiska iyo Jarmalka waxaana dadka daawanayey ka mid ahaa madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande.