Washington (Geeska)- Waxaa mararka qaarkood dhacda in adiga oo meel dad badani joogaan ku isticmaalayey kombiyuutarkaaga aad si kedis ah uga kacdo, kadibna aad ka shakido in dadka kugu xeernaa ay arkaan waxa muraayadda kombiyuutarka ka muuqda ee qoraal ama dhukumantiyo iyo sawiro ah, ama in aad kombiyuutarka oo shidan kaga tagto xafiis laguula wadaagayey, kadibna aad dib ka xasuusato laakiin aad ka xishooto in inta aad soo noqoto aad bakhtiiso.
Haddaba haddii aad isticmaasho talefanka IPhone ama saacadda Apple Smart Watch waxaa ku anfacaya adeeg ku jira oo lagu magacaabo LockItUp kaas oo marka aad taabato kuu saamaxaya in aad si sahal ah u qufusho kombiyuutarkaaga adiga oo ka durugsan. Waxase ka horreeya in aad marka hore isbarto kombiyuutarka iyo talefankaaga gacanta ee IPhone ka ah ama saacadda Apple adiga oo u adeegsanaya barnaamij lagu soo dejin karo kombiyuutarka oo isla magacaas LockItUp leh.