Qawmiyado Ninka Ka Dhashay Ku Qasban Yahay In Uu Maro Imtixaan Caddaynaya Ragannimadisa (2)

0
537

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Labaad ee qormadii uu Geeska Afrika turjumay ee soo bandhigaysay dhaqanno ka jira meelo kala duwan oo dunida ah oo ninka ku qasbaya in uu sameeyo ficillo hidde ay u leeyihiin oo marka uu ka soo baxo uun la garanayo in ay ragannimadiisu taam tahay.

4. Hindiya: Qaar ka mid ah qabiilooyinka Hindida ayaa caado u leh in wiilku marka uu qaangaadho, muddo 20 maalmood ah lagu xidho meel cidlo ah, lana siiyo maandooriye lagu magacaabo Wiskaan. Maandooriyahani qofka cuna waxa uu ku keenaa khalkhal weyn oo dhinaca maskaxda ah. Sababta ugu weyn ee ay sidan u yeelanayaanna waa iyaga oo doonaya in ay wiilka illowsiiyaan carruurnimadii iyo masuuliyad la’aantii una diyaariyaan bisayl iyo in uu xilkas noqdo.

5. Qabiilka Mandan: Qabiilka Mandan oo ka mid ah dadka asalka u lahaa dhulka Maraykanka ee isirkooda hore Hindida yahay, ayaa wiilku marka uu qaangaadho ku qasba in uu soomo saddex maalmood oo aanu cunto afka saarayn, laakiin soonka waxaa u dheer in saddexdaa maalmood inta xadhi lagu tig-tigo laga soo laalaadinayo saqafka sare ee qolka, haddii aanu u adkaysan xanuunka ciqaabtan oo uu qayliyo ama oohin lagu arko, waxa uu waayayaa ragannimadii waxaana ku adkaan doonta in uu gabadha uu doonayo guursado.

Inta badan waxaa dhacda in wiilashu marka ay saqafka saddex maalmood ka soo laalaadaan iyaga oo si adag u xidh-xidhan biyo iyo cuntana aan la siinayn in ay miyir doorsoomaan. Markaas ayaa uu imtixaankii ka baxay, shahaadada la siinayo ee caddaynaysa in uu imtixaankii ka baxayna waa in mid ka mid ah faraha gacmaha laga jaro, taas ayaa astaan u ah ragannimadiisa.

6. Qabiilka Satirimawa ee dalka Brazil: Qabiilkani waxa uu ragannimada u yaqaannaa in wiilku marka uu qaan-gaadho gacanta loo geliyo wiil laga buuxiyey nooc qudhaanjada deegaankaas ka mid ah oo qaniinyo kulul sunna leh, toban daqiiqo ayaa uu weelkaa kula jirayaa gacanta oo haddii uu qaniinyada u adkaysan waayo oo ooyo ama si uun u cawdo loo arkayaa in aanu weli ragannimo buuxda yeelan, waxaana lagu tirinayaa carruurta in uu ka mid yahay.

7. Qabiilka Faanwaato oo ku dhaqan koonfurta badweynta Deggen (Pacific): Qabiilkani waxa ay caan ku yihiin in bilaha April iyo May ee sannad kasta ay isu soo saaraan dhalinyarada sannadkaas qaan-gaadhka noqotay, kadibna ku amraan in mid kastaa isaga oo labada lugood ka dabran uu ka boodo meel qiyaas 9 mitir ah dhulka ka dheer, si uu ragannimadiisa u caddeeyo. Dhaqankan oo la sheegay in uu qabiilkani lahaa muddo 1500 oo sano ah, ayaa dhigaya in haddii uu wiilku ku guuldarraysto bootintaas ama ka baqo aan loo aqoonsan ragannimo. Dhammaad.