Talefanka Gacanta Oo Jeebka Surwaalka La Geliyaa Waxa Ay Khatar Ku Tahay Caafimaadka Qofka

0
657

1111111111111Washington (Geeska)- Fallaadhaha iyo Shucuuca ka soo baxa talefanka gacanta guud ahaan marka uu shidan yahay, si gaar ahna u sii bata marka la isticmaalayo ayaa ay dhakhaatiirta caafimaadku xaqiijinayaan in ay la mid yihiin Shucaaca loo adeegsado daweynta Kansarka noociisa beerka ku dhaca.

Xeeldheerayaal u dhashay dalka Maraykanka oo daraasad ku sameeyey fallaadhaha Talefanka gacanta ka soo baxa ayaa ogaaday in hirarka talefanka gacantu soo daayaa ay khatar ku yidhiin caafimaadka qofka. Dr. Defra Davis oo ah cilmibaadhe u dhalatay dalka Maraykanka ayaa mar ay dhowaan muxaadaro cilmiya jeedinaysay waxa ay soo qaadatay khatarta uu leeyahay talefanka gacanta iyo sida uu u dhaawaci karo caafimaadka, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Talefanka Gacantu, sida muuqata dhibta caafimaad ee uu leeyahay ayaa ka badan, waxtarkiisa” Dr. Defra waxa ay si gaar ah u soo qaadatay mid ka mid ah xaaladaha ay khatarta caafimaad ee talefanku sii badantay waxa aanay tidhi, “Caadada ah in jeebka surwaalka lageliyo Talefanka gaantu, ama inta xadhig lagu xidho qoorta la sudhaa, waxa ay ina tusaysaa sida aynu uga jaahilnahay khatartiisa caafimaad. Tusaale ahaan, fallaadhaha uu talefanka gacantu soo daayaa, waxa ay si aad ah ugu eeg yihiin, kuwii lagu isticmaali jiray dunida caafimaadka, gaar ahaan daweynta Kansarka beerka ku dhaca, iyo kuwa lagu baadho burooyinka Kansarka ah iyo in maskaxda laga caawiyo in ay nuugto dawada” waxa aanay si gaar ah uga digtay, in talefanka oo jeebka lagu ridaa ay khatar weyn ku tahay caafimaadka lafaha oo ay yarayso dhumucdooda, gaar ahaan lafta misigta.

Daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay oo uu faafiyey wargeyska Sun ayaa intaas ku sii dartay in fallaadhahani ay dhaawacaan dheecaanka DNA ga loo yaqaanno, awoodda dhalmo ee qofka, iyo isbeddelka maaddooyin muhiim ah oo maskaxda ku jira” Daraasaddan oo ka mid ah daraasadaha sida aadka ah uga digay khatarta uu talefanka gacantu leeyahay waxa ay Dr. Defra Davis ku tidhi, “Isticmaalka talefanka gacantu waxa ay ka mid tahay sababaha qofka ku keena qulubka, cudurka Macaanka iyo shaqada wadnaha oo khalkhal gasha”