Paris (Geeska) Cilmi-baadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Faransiiska ayaa daahfurtay in dadka isticmaalkooda talefanka gacantu uu bishii gaadho 15 saacadood iyo ka badan, ay khatar weyn ugu jiraan in ay maskaxdooda ku samaysmaan burooyinka kansarka maskaxda keena. Natiijada daraasaddan oo sii xoojinaysa daraasado badan ooh ore uga digay guud ahaan isticmaalka talefanka gacanta iyo si gaar ah in uu qofku badsado ku hadalkiisa ayaa khubarada samaysay waxa ay shaybaadh iyo daraasayn ku sameeyeen faylashada caafimaad ee tiro ka mid ah dadka isticmaala talefanka gacanta, si ay u ogaadaan khatarta caafimaad ee ka dhalan karta iyo illaa xadka uu cudurro cusub ku soo kordhin karo.
Natiijadan oo lagu faafiyey wargeyska Tsaytung oo ka soo baxa Jarmalka ayaa ay khubaradu ku caddeeyeen in dadka caadaystay in ay talefanka gacanta isticmaalaan bishii 15 saac iyo ka badani ay khatartan kansar oo nafahooda galaafan doonta. Waxa aanay khuabradu dadka talefanka gacanta isticmaala gaar ahaan dhalinyarada uga digeen isticmaalka badan ee talefanka gacanta, iyaga oo ku taliyey in haddii laga fursan waayo ay isticmaalaan farriimaha gaagaaban ee talefanka gacanta la isugu diro (SMS), haddii kale uu hadalka talefanku noqdo mid aad u kooban oo muhiimadda uun taabanaya.