Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dareenkooda Go’aanka Golaha Guurtida Iyo Aragtida Labada Xisbi Mucaarad Ka Bixiyeen

0
543

Picture6Hargeys(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga taladda dalka haya  ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in ay aqbaleen  go'aamadii ay Guddidii dhexdhexaadinta khilaafka Xisbiga Kulmiye ku dhexdhexaadisay khilaafka Xisbigaasi. Madaxweynaha iyo guddoomiyaha  oo markii Guddidu ay go'aankaasi ku dhawaaqeen  la hadlay warbaahinta ayaa labaduba cadeeyay inay aqbaleen go’aankaas, inkastoo Muuse Biixi tilmaamay in isaga lagu ciiray.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ugu horayn warbaahinta la hadlay ayaa yidhi "Waanu aqbalnay oo waanu qaadanay,waxaanu u aragnaa sida ay tahay oo waxa ay tahayba waanu qaadanay oo waanu aqbalnay maadaama aanu Guddida aqbalnay in ay dhexdhexaadin gasho oo ay Guurtidii Qaranka ay tahay".

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna yidhi  "Waxaa ay ila tahay hadaad Ragga aad arin u dhiibato maaha sidaad doonayso in ay kuu xukumaan, inkasta oo ay adag tahay sida ay wax u jareen haddana waan aqbalay,”

Isagoo hadalkaii sii wata wuxuu yidhi “Go'aamada waan aqbalay sida ay ahaayeen si kasta ha iigu adkaato danta Qaranka ayaan u aqbalayaa aniga waxba layma soo qaadinee, sidii kalay u xukumeen waan se qaatay".

Aragtida labada xisbi mucaarad

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay aragtidiisa go’aanka uu golaha guurtidu ku xaliyay khilaafka KULMIYE, ayaa yidhi  “Waxa aan Hambaliynayaa Golaha Guurtida oo dhameeyey Khilaafkii Muddada dheer taagnaa,waxaanay runtii mar walba  heegan u yihiin inay dhameeyeen wixii khilaaf ah ee markaas taagan, waxa kale oo aan hambaliyeynayaa Labada Garab ee Xisbiga Kulmiye ee aqbalay Go’aanadii, si kastaba ha ahaataan Go’aanadu balse waxa inoo sharaf ah inay aqbaleen”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliland waxa ay leedahay Cadaw aad u badan, oo doonaya inay dhibaato iyo dagaalo ka dhacaan dalka, iyaga oo doonayey in khilaafka Xisbiga Kulmiye ka dhashaan dagaalo ka dhaca Hargeysa iyo Somaliland, balse cadawgii ILLAAHAY SWT ayaa jabiyey, waxaana dhab ah in go’aamadaas lagu dhameeyey khilaafka Xisbiga Kulmiye inay ka nixiyeen Cadawgeenii”.

Guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, oo uu isagana Geeska Afrika wax ka weydiiyay arrintan ayaa yidhi “Khilaafkii Xisbiga Kulmiye ee Golaha Guurtidu ka hawl-gashay, waxa uu sameeyn ku yeeshay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Nabadgeliyadii, Dhaqaalihii iyo dhinacayo badan oo kale, laakiin haddii la dhameeyey wax sameeyn ah ku yeelan maayo Doorashada, markaas waxa aan codsanaya oo cid walba oo ay quseeyo ugu baaqay in aan la isku dayin in Doorashada dib loo dhigo”.  Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Waxaan ku baaqaya, soona jeedinaya in Doorashada oo muddo aad u yari ka hadhay, in wakhtigeedii lagu qabto, oo aan dib loo dhigin, waxaana meesha taala in aanay jirin sabab dib loogu dhigo Doorashada”.