Taleefannada Gacanta Iyo Shaqada Xafiisyaduba Waxa y Khatar Ku Yihiin Caafimaadka Dhabarka Iyo Raqabadda

24
2696

Hargeysa (Geeska)- Shantii sano ee u dambeeyey waxaa kor u kacay tirada dadka ka cabanaya xanuun dhabarka iyo / ama raqabadda ah, waxa aanay dhakhaatiirtu sheegeen in sababtu ay tahay habnololeedka hadda dunida casriga ah ka jira, oo ay ku badan yihiin fadhiga iyo xarakaad yaraantu.

Waxaa la sheegayaa in shanti qof ee kastaba, laba ka mid ahi ay dunida maanta qabaan xanuun dhabarka ama raqabadda ah, taas oo u dhiganta in boqolkiiba 12 dadka dunida maanta ku nooli ay xanuunnadan ka cabanayaan, waxa aanay aad uga badan tahay sidii u uxaalku ahaa hal sano ka hor. Jimciyadda toosinta lafdhabarta ee dalka Ingiriiska ayaa iyaduna warbixin ay soo saartay ku sheegtay in boqolkiiba 70 dadka ku sugan deegaanka Midlands ee dalkaasi inta aanay gaadhin da’da 30 jirka ay qaadaan xanuunn dhabarka iyo qoorta ah.

Shaqada xafiisyada iyo taleefannada:

Korodhka xaaladda dhabar iyo raqabad xanuunka ayaa lagu xidhiidhinayaa shaqada xidhiidhka ah ee xafiiska, iyo waqtiga dheeraadka ah ee ay dadku ku foorarayaan taleefannada casriga ah iyo qalabka la midka ah, iyaga oo aan xarakaad kale samaynayn. “Jidhkeenna waxaa loo abuuray dhaqdhaqaaq, sidaa awgeed haddii uu waayo xarakaadkaas, oo muddo aynu meel uun fadhinno, waxaa imanaysa in dhabarka iyo raqabadduba ina xanuunaan” Sidaa waxaa tidhi Kathryn Cowen, oo madax ka ah jimciyadda daweynta xaglaha iyo toosinta lafdhabarta ee dalka Ingiriiska. Waxa aanay intaas ku si idartay, “Muddooyinkan waxaa qasab noqota in aynu maalinta oo dhan isticmaalno tiknoolajiyadda, taas oo keenaysa in aynu waqtiyo badan fadhinno oo weliba aynu qaab keliya u fadhinno. Qaabkaasina uu inta badan yahay mid aan sax ahayn caafimaad ahaan. Waxa aad arkaysaa qofka oo ku dheggen taleefanka gacanta ee casriga ah ama aaladaha la midka ah ee ‘Tablets’ ka loo yaqaanno, iyaga oo ku mashquulsan farriimo ay u dirayaan asxaabta, ama iyaga oo iskaga jira bogagga internet ka ee bulshadu ku kulanto.

Shaqada guriga

Shaqada guriga ayaa iyaduna marmarka qaarkood sabab u noqon karta dhabar xanuunka, gaar ahaan qaabka shaqo ee soo jireenka ahaa, oo ay ka mid tahay in qofku alaabo iyo walxo kala duwan kor u qaado, qaadistaas kediska ah ee culayska ayaana ka mid ah sababa ugu badan ee keena xanuunka raqabadda iyo dhabarka.

Xalka

Xalka ugu fiican ayaa ay Kathryn Cowen ku sheegtay in uu yahay innaga oo marmar ka dheeraanna kombiyuutarka, gaar ahaan ka gacanta lagu qaato (Laptop) iyo taleefannada gacanta, si aynu ula dagaalanno xaaladahan caafimaad darro ee ku lammaan nolosha iyo shaqada casriga ah.

Dhinaca kalana waxa ay khubaradu ku talinayaan in laga feejignaado kor u qaadista waxyaabah aadka u culus, iyo in qofku uu ku dadaalo xarakaadka iyo jimicsiyada jidhka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here