Takoorka Ka Jira Sweden Oo Muslimiinta Iyo Yuhuudda Dalkaas Ku Qasbay In Ay Midoobaan

52
4094

Stockholm (Geeska)- Labada jaaliyadood ee muslimiinta iyo Yuhuudda magaalada Malmo, oo ay ku taallo xarunta ugu weyn ee qaabilaadda qaxoontiga ee dalka Sweden ayaa go’aansaday in ay khilaafka iyo cadaawadda guunka ah ee u dhexeysa dhinac iska dhigaan oo ay ku midoobaan furin keliya oo ay iskaga kaashadaan iska caabbinta cadaawadda Islaamka iyo Yuhuudda looga hayo dhulkaas.

Wargeyska aad looga akhristo Israa’iil Yadiicoot Axraanoot oo lagu qoro afka Cibriga (Afka Yuhuudda) ayaa toddobaadkii hore qoray war uu ku sheegayo in hoggaamiyeyaasha jaaliyadaha Yuhuudda iyo Muslimiinta ee ku nool magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Sweden, ay soo wada saarayeen warmurtiyeed wadaag ah oo ay ku dhawaaqayaan in khilaafkii labadan jaaliyadood laga gudbay.

Salaaxaddiin Barakaat oo jaaliyadda muslimiinta ee magaaladan hoggaamiya iyo Mooshe David Koohin oo isna Yuhuudda u madax ah ayaa mid ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Sweden ku qoray in hadda laga bilaabo muslimiinta iyo yuhuudda magaaladu ay u midoobeen ka hortagga nooc kasta oo takoor, nacayb, cunsuriyad, cadaadis, iyo cabudhin ah ee ka dhan ah muslimiinta iyo Yuhuudda si isku mid ah. iyaga oo intaas ku daray in ay labada jaaliyadood ku qanceen in isu soo dhowaanshiyaha iyo in qolo kastaa barato dhaqannada iyo caadooyinka ay qolada kale leedahay ay ka qaybqaadan doonto xoojinta is-ixtiraamka labada dhinac. Taas oo ay labada jaaliyadood u arkaan in ay tahay habka keliya ee ay ku gaadhi karaan mustaqbal uga fiican ka hadda ay ku jiraan, kaalin muhiim ahna ka qaadan kara ammaanka magaalada.

Hoggaamiyaha jaaliyadda Yuhuudda, Moshe David Kohin ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen ay labada dhinacba uga baahan tahay geesinimo iyo ku dhac. Waxa aanu caddeeyey in go’aanka muslimiinta magaalada ee ah in ay iska xilsaaraan sugidda ammaanka Yuhuudda la deggeni aanu ahayn hadal la iska yidhi uun, balse uu yahay go’aan raad togan oo run ah ku leh ammaanka guud ee dalka.

Koohin iyo hoggaamiyaha jaaliyadda muslimiinta Salaaxaddiin Barakaat ayaa wada jir ugu dhawaaqay hindise, ay ugu magac dareen, ‘Ammaanah’ oo ah mashruuc walaalnimo iyo kalsooni lagaga dhex abuurayo Yuhuudda iyo Muslimiinta magaalada Malmo.

Magaalada Malmo waxaa ku nool 80 kun oo muslimiin ah, halka tirada jaaliyadda Yuhuudda ah ee ku dhaqan guud ahaan dalka Sweden ay ka tahay 20 kun oo ruux oo 2 kun oo ka mid ahi ay deggen yihiin magaaladan.

Sannadihii u dambeeyey waxaa magaalada Malmo ka dhacay dhacdooyin xidhiidh ahaa oo ay dadka diimaha kala duwani iskaga soo horjeedeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here