Tahriibayaal Reer Somaliland Oo Ah Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Liibiya

0
761

 

Hargeysa(Geeska)-Inta la ogyahay 16 ruux oo u badan reer Somaliland, isuguna jiray rag iyo dumar (10 nin iyo 6 hablood) ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay meel u dhaw magaalada Misrata ee dalka Libya kadib markii baabuur ay ku safrayeen uu la qalibmay. Dadka geeriyooday intooda ka soo jeeda Somaliland ayaa u badan Hargeysa, Burco iyo Borama.

Baabuurka tahriibinayay dadkan waxa uu siday 120 ruux, oo doonayay inay ka tahriibaan xeebaha Liibiya si ay u beegsadaan wadamada Yurub. Waxa kale oo jira dhaawac kale oo tiro badan oo lagu dabiibayo cisbitaalo dalkaas ku yaala. Dad kale oo isugu jira Somali, Itoobiyaan iyo Ereteriyaan ayaa iyaguna ku jira dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay.

Wargeyska Geeska Afrika oo tan iyo shalay ilaa xalay isku dayay inuu helo magacyada iyo haybta muwaadiniintan reer Somaliland ee geeriyooday ayaanay u suurtogelin. Laakiin waa markii u horaysay ee tiro intan leeg oo reer Somaliland ahi ku geeriyoodaan iyagoo ku gudo jira tahriibka dhibta badan ee ay dalkooda kaga ambobaxaan.

Sanad walba tobannaan kun oo Afrikaan tabriih ah ayaa u safra dalka Libya iyo dalalka kale ee ku yaal waqooyiga Afrika, iyaga oo rajeynaya inay ka gudbaan badda si ay u gaadhan Yurub.