Burco: Dhalinyaro Gadoodsan Oo Weerar Ku Qaaday Guri Ay Ku Shirayeen Xubno Odayaal Ahi

0
729

 

 

Burco(Geeska)–Dhalinyaro gadoodsan ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday guri ku yaala magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay degenyihiin xubno odayaal ah oo ka mid ah beesha galbeedka Burco, kuwaas oo lagu kala diray shirkii Talo iyo Tawfiiq.

Dhalinyaradan ayaa sida la sheegay ka xumaaday ka dib markii ay xubnahani ka horyimaadeen ama ay buriyeen bayaan ay dhawaan gobolka Sanaag ka soo saareen gudiga guud ee beesha Habar-yoonis ee Talo Iyo Tawfiiq ,kaas oo ay kaga hadleen saamiga beesha ee gobolka Togdheer iyo magacaabista badhasaabka cusub.

Sida ay Geeska Afrika u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahi dadkan gadoodsanaa gudaha u galay gurigan isla markaana budhadh iyo Dhag-xaan ku weeraray Odayaashan oo gurigaasi ku qayilayay isla markaana shir-hoosaad lahaa. Laakiin ma jiro wax khasaare ah oo odayaasha soo gaadhay. Markii dambena waxa barxadda gurigaas ku soo xoomay dhallinyaro tiro badan oo xog doon u badnaa.

Dhalinyaradan ayaa ku dhawaaqaysay Erayo ay ku taageersanyihiin gudiga guud ee beesha Habaryoonis ee Talo iyo Tawfiiq iyo go'aaamadii ay soo saareen isla markaana ay taageero la barbar taaganyihiin.