Madaxweyne Siilaanyo Oo Hadhimo Sharafeed Maanta U Sameeyay Salaadiinta Beelaha Somaliland

0
756

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu salaadiinta beelaha Somaliland maanta ku martiqaado hadhimo sharafeed uu ugu samayn doono qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha sababta keentay martiqaadka salaadiinta, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweynuhu doonayo inuu salaadiinta kala hadlo sidii ay xukuumadiisa ugala qayb qaadan lahaayeen dejinta xiisadaha kala duwan ee ka dhashay natiijadii doorashada deegaanka oo ay si weyn bulshada Somaliland iyo beelaha qaarkoodba ugu kala qaybsameen. Waxa la filayaa in Madaxweynuhu salaadiinta ka codsado inay xukuumadiisa ku taageeraan qorshayaal uu doonayo inuu ku tirtiro xanafta ay doorashadii deegaanadu bulshada kaga dhex tagtay.

Waa markii labaad ee uu Madaxweyne Siilaanyo martiqaad u sameeyo salaadiinta Beelaha Somaliland tan iyo markii uu xilka qabtay.