Tahriibayaal Reer Somaliland Ah Oo Saxaraha Sudan Iyo Libiya Dhexdooda Ku Geeriyooday

0
559

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste laba ruux oo tahriibayaal ah oo u dhashay Somaliland ayaa ku geeriyooday, afar kalena way ku dhaawacmeen, shil baabuur oo ka dhacay xuduudka lama degaanka ah ee u dhexeeya Sudan iyo Liibiya.

Muwaadiniintan reer Somaliland ayaa ka mid ahaa 25 qof oo reer Somaliland oo saarnaa baabuurkaas oo la sheegay inuu gadoomay. Si rasmi ah looma garanayo xaaladda ay ku suganyihiin dadka uu baabuurku ka gadoomay, waxase la sheegay inay afarta qof ee dhaawaca ahi ku suganyihiin xaalad culus. Dadkaas ayaa ka kala tagay magalaooyinak waaweyn ee Hargeysa, Borama iyo Burco.

Tahriibka ayaa muddooyinkii u dambeeyay laba jibaarmay, waxaana sabab u ah tahriibka dhallinyaradan shaqo la’aan iyo rajo xumo soo foodsaartay iyadoo xukuumadda Somaliland ku fashilantay inay dhallinyarada u abuurto shaqooyinkii ay ugu balan qaaday wakhtigii uu KULMIYE ku jiray ololihii doorashada.