Warqad Furan Oo Ku Socota Wasiirka Madaxtooyada

0
532

 

Mudane Wasiir, sida aad ka warqabtid wuxu Madaxweyne Axmerd Maxamed Maxamuud  9 kii bishii March, 2013 amar ku bixiyey in si dhakhso ah loo soo afjaro bixinta Magdhowga mudada dheer taagnaa .

Picture3Magdhowgaasi wuxu la xidhiidhaa Meheradda iyo dhismaha Skyline Grocerceries ee ku yaalla koonaha galbeed ee Deyrka Wasaaraadda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka. Qoraalkii gacan saarka ahaa ee aan Madaxweynaha u dhiibay waxan kaga codsaday in xallinta arintan lagu saleeyo saddex qaab midkood:-

In  Dhismahayga iyo Dukaankeyga aniga faraha la iiga qaado , isla markaana aan anigu bixiyo wixii ajuuro ah ee dawladda u waajibay.

In Magdhowgii ay labada Wasaaradood ( Hawlaha Guud & tan Duulista Hawadu)  soo qoreen la I siiyo sidii loo siiyey dadkii kale ee aniga iga horeeyeyba.

In Ganacsadaha Maxamed Xuseen (INDHABIRTA) uu isagu bixiyo Magdhowgan laga hadlayo, illeyn waakii dadkii kaleba siiyay ee .

Mudane wasiir , bixinta magdhowgani wuxuu soo jiitamaayay ku dhowaad laba sanadood , iyadoo madaxweynaha jamhuuriyadda somalilandna amar cad ka bixiyay innagoo hor-fadhina madaxweynaha .sidaa darteed waxaan kaaga fadhinaa fulinta amarkii madaxweynaha adigoo mahadsan.

 Wa billaahi tawfiiq .

 Maxamed qaasim Xaashi

Mulkiilaha dhismaha iyo meherada Skyline grocercreis