Wakiilada Oo Ansixiyey Xeerka Qareenada Iyo Qodobkii Xildhibaanada U Fasaxayey Loyarnimada Oo Laga Saaray

0
663

 

golaha22Hargeysa (Geeska) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada, aya shalay ansixiyey xeerka Qareenada Somaliland, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyay Golaha Hor-yaalay, isla-markaana hore dood looga galay si waxa ka badal iyo kaabis loogu sameeyay.

Fadhigii golaha Wakiilada ee shalay ee shir-guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golahaasi Md Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa lagu ansixiyey xeerka qareenada Somaliland, kaasi oo guddida shuruuda ee Golahaasi ay wax ka bedal iyo kaabis muuqata ku sameeyeen.

Ka hor intii aan codka loo qaadin meel-marinta xeerkan waxa mudanayaasha mid mid loogu akhriyey qodobbada uu ka kooban yahay xeerkaasi, siiba kuwii wax ka badalka lagu sameeyay.

Qodobbada wax ka badalka lagu sameeyay ee xeerkan sida aadka uga dhex muuqda, ayaa waxa ka mid ah ruqsada iyo diwaangalinta, kaasi oo markii hore u dhignaa “Qofna lama siin karo ruqsadda Qareenimo haddii uu ka tirsan yahay Golaha Xukuumadda, shaqaalaha dawladda iyo Ciidamada, Mudanayaasha golaha Wakiilada, ayaa ansixiyey ka dib markii ay ku dareen inaan ruqsada qareenimo la siin Karin qofka ka tirsan Golayaasha qaranka oo uu baarlamaanku ka mid yahay, waxaanu qodobkaasi meesha ka saaray in xildhibaanada Golaha wakiiladu ay qareennimo ku shaqeysan karaan.

Sidoo kale, waxa mudanayaasha Golaha Wakiiladu waxay wax ka badal ku sameeyeen awoodaha Wasaarada Caddaalada, waxaana meesha laga saaray in ruqsadaha qareennimo ay bixiso Wasaaradu, balse waxa waajibaadkaasi xeerku saaray guddida Caddaalada.

Sidoo kale, qodobbada wax ka bedalka lagu sameeyay waxa ka mid ah da’da lagu qaadan karo ruqsada Qareennimo oo hore u ahayd 35 jir, ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiiladu ka dhigeen 25 jir.