Tahriibayaal Maydkooda Laga Soo Saaray Biyaha Talyaaniga

0
478

Picture3Hargeysa(Geeska)-Ugu yaraan lix qof oo ka mid ah dad dooni ay kula degtay xeebaha dalka Taliyaaniga ayaa dhintay kuwo kalena waa la badbaadiyay iyagoo khatar ugu jira inay halaagmaan. Ciidamada talyaaniga ayaa biyaha dhexdooda ka soo saaray maydka lixdan ruux.

Saraakiisha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in doomo ay leeyihiin ciidamada badda Talyaaniga ay u gurmadeen tahriibayashaas ay la dagtay doonidii ay ku safrayeen, iyagoo badbaadiyay tiro tahriibayaal ah oo aan la cayimin.

Tahriibayaasha dhintay iyo kuwa la badbaadiyay ayaa la sheegay inay isugu jireen Somali iyo Ereteriyaan, islamarkaana ay ka baxeen  xeebaha dalka Liibiya si ay u gaadhaan dalka Talyaaniga. Lamana hubo inay ku jiraan dhallinyaro reer Somaliland ahi, maadaama oo ay muddoyinkii u dambeeyay si weyn uga socdaaleen gudaha magaalooyinka dalka.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii tahriibayaal doonayay inay gaadhaan dalka Talyaaniga ay qaarkood ku dhinteen xeebaha u dhexeeya Afrika iyo Yurub halka kuwo kalena uu badbaadiyay markab ganacsi oo halkaas marayay.