Borama: Wasiirka Boosaha Oo Kulan La Yeeshay Salaadiinta

0
507

Picture2Borama(Geeska)-Wasiirka Wasaarda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal ayaa shalay  kulan balaadhan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal, kulankan oo ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee Wasiir ka soo jeeda Gobolka Awdal uu la yeesho odayaasha dhaqanka isaga oo kaligii ah ayaa waxa lagaga wada hadlay amuuro dhawr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga iyo hormarka gobolka Awdal, waxana goob joog ka ahaa Badhasaab ku xigeenka Awdal Cabdi Nuur Sugaal iyo Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi.

.Sida uu ku soo waramay weriye Cabdalle Cali Yuusuf, Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal oo la hadlay odayaasha ayaa waxa uu carabka ku dhuftay sida uu u arko xilka loo magacaabay waxana uu yidhi "Xilka la ii magacaabay waa mid ka yimid dhinaca beesha aan ka soo jeedo waxana aan dareensanahay inaan u taaganahay danahooda, waxana aan balan qaadayaa inaan fursad idiin siiyo waxwalba oo tabasho ah oo aad barigii hore saxaafad marin jirteen in laga baxo oo aan afkiina iyo dhegta Madaxwaynaha isku dhaweeyo"

Wasiir Abgaal waxa kale oo uu sheegay in xukuumadu ay dhinacyo badan dadaal ka hasyo waxana uu si gaar ah u xusay arinta xiisada Xariirad, waxana uu yidhi "Waxa aan idiin sheegayaa in xukuumada ay ka go'an tahay in SHUWAAL marka uu dhamaado la soo afjaro arinta yar ee ka aloosan Xariirad, waxana aan idinka codsanayaa inaad la shaqaysaan xukuumada.

Wasiir Abgaal, waxa kale oo uu ka jawaabay halka uu kala taagan yahay mawqifkiisii hore iyo kan maanta ee xukuumada waxana uu yidhi " waxa aan aaminsanahay in hore waa markii aan banaanka taagnaaye aan ka hadli jiray danaha gobolka, sidaasi oo kalena maanta oo xil i saaran yahay aan u taaganahay inaan ka hadlo danahii gobolka".

Wasiir Abgaal Waxa uu xusay inuu ku qabacsan yahay xilka uu u magacaabay Madaxwayne Siilaanyo isaga oo farta ku fiiqay in xilkaasi yahay mid aad u wanaagsan isla markaana uu shaqo badan ka qaban doono, noqona doono masuul ka soo baxay hawshii loo igmaday, isaga oo intan daba dhigay in uu u mahadnaqayo Madaxwaynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay inuu ku amaanan yahay xilka uu u dhiibay.
.Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka hadalay halkaasi ayaa Wasiirka ku amaanay inuu qaaday talaabo dhiiran oo ku aadan inuu odayaasha dhaqanka la shiro, waxana uu yidhi "Waa wasiirkii u horeeyay ee gobolka ka soo jeeda ee nala shira isaga oo Boorama yimid, waanan ku amaanaynaa, mida kale waxa aan u sheegaynaa wasiirka in derejooyinka ciidanka ee la bixiyay ay ku dhex jiraan tabashooyin badan, waxna xukuumada anaga oo ku boorinayna hawsha ay qabatay aan leenahay hoos ha loo eego khaladaadka yaryar ee jira.

Sidan oo kale ayaa isaguna waxa qabay Sul. Saleebaan Cali Ismaaciil, waxana isaga oo si adag u hadalaya uu yidhi "Waxa aan maqlayno ee la leeyahay derajooyin ayaa la bixiyay wax aan qaadan karno ma aha, waxana aan sheegaynaa in aanaan fiirsan karin inamadayadaii oo suuqa is jiijiidanaya oo godob la kala dhex dhigay, waxa aan leenahay Wasiir, waxa aad madaxwaynaha u sheegtaa in aanaan ku qanacsanayn sida wax loo qaybiyay oo loo baahan yahay in lagu noqdo.

Sul. Abiibakar Cilmi Wabar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu soo dhaweeyay kulanka uu wasiir Abgaal la yeeshay waxana isaga oo la hadlay wasiirada kale ee gobolka ka soo jeeda uu yidhi "Wada dhaliili mayno wasiirada kale ee gobolka ka soo jeeda, waxanse leenahay oo aan aad ugu boorinaynaa in talaabadaas haboon ee la bilaabay ay halkaasi ka sii amba qaadaan.

Sul. Ibraahim Dacar , Sul. Abshir Muxumed iyo Caaqil Guray oo ka hadlay halkaasi ayaa iyaguna soo dhaweeyay talaabadan uu qaaday Wasiirka Boosaha oo ay ku tilmaameen inay tahay mid taariikhda gashay.