Xildhibaan Rayte Oo Sheegay In Dhaliisha Ay Shacabku Xukuumada U Hayaan Marayso Halkii U Saraysay

0
511

Picture4Oslo (Geeska) – Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay sharciyadda Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, kuwaasi oo xukuumaddu aad uga qaylisay.

Xildhibaan Rayte, waxa uu sheegay inuu fool xumo u arko in xukuumaddu ka hadasho isla-markaana isku mashquusho sharciyadda Magaca GOLE, maadaama uu yidhi waxa laga hadlayaa yahay xaalad loo baahan in xukuumaddu isaga timaado oo ay saxdo.

Xildhibaan Rayte oo isaga oo ku sugan Magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway u waramay Shabakadda Ramaasnews, ayaa sidoo kale sheegay in golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ay buuxiyeen kaalin uu sheegay in shacabku u arko in xisbiyadda Mucaaradka ahi baneeyeen.

Xildhibaan Rayte oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Mucaaradku maaha inuu qabiil, reer, koox noqdo ama dan ku salaysnado, waa innuu ku salaysnaado khalad iyo saxa, sharciga iyo sharci darada, caddaalada iyo Caddaalad darada, markaa waxaan qabaa inay nimankaasi buuxiyeen kaalin ay dadku u arkaan inay dabacsan tahay, kaalintaasi waa xisbiyadii oo doorkoodii ciyaari waayey, labadii golle baarlamaan oo sidii ay u eegi lahaayeen ama u eegi jireen xukuumaddii ka horeysay in aanay xukuumaddan ula xisaabtamin”

Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo sidoo kale ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay “Maanta maalin ay ka weyn tahay maalin shacabka xukuumaddu dhaliil u jeedinayaa ma jirto, taasina waxay keenaysaa markaa inay is abaabulaan dadka waddaniyiinta ah ee damqanayaa ee ka werwersan ama ka cabsanaya inay xaaladu meel xun inaga gaadho inay dhawaaqaan oo la isku yimaado, dastuurka ayaana u ogol inay isku yimaadaan oo ay is abaabulaan, xukuumaddu waxay ka hadlaysay ereyga GOLE, anniga waaba ila fool xumo, waayo ereyga GOLE wax macno ah ma samaynayo, waxa laga hadlayaa waa xaalad, xaaladdaana waa in laga wada hadlaa oo xukuumaddu soo fadhiisato oo la wada hadlaa oo la yidhaahdaa, waayo talo-wadaaguna waa waxa Somaliland halkaa ku soo gaadhay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaa yaan dedaal loo galin abaabulka odayaal, qodobbada laga hadlayna xukuumadda ayay dan u tahay inay saxdo, looma baahna sas iyo abaabul qabiilaysan oo reeraysan”

Xildhibaanka oo la waydiiyey inay jirto sharciyad diidaysa aasaaska gole noocan ayaa ku jawaabay “Wax alaale iyo wax u diidaya Muwaadiniinta inay isku abaabulaan qaab ururreed, qaab bulsho, qaab siyaasadeed, waa xuquuqda aasaasiga ah ee qofka muwaadinka ahi leeyahay, dastuurkana way ku caddahay inay xaq u leedahay, markaa ma jiro wax sharci ah oo odhanaya Ereygaa (Gole) lalama bixi karo, waayo nimankani ma bedalayaan sharciyadii, xeerar ma samaynayaan, nimankana waxay ka hadlayaan dhibaato dastuur oo meesha ka jirta (Somaliland)”ayuu yidhi