Tahriibayaal Ay Soomaali Ku Jirto Oo Ku Dhibaataysan Xarun Lagu Ururiyey Oo Ku Taalla Dalka Liibiya

0
573

Picture3Tripoli (Geeska)- Masuuliyiinta xarun lagu ururiyo Tahriibayaasha oo ku taalla magaalada Misraata ee dalka Liibiya ayaa ka digay khatar bani’aadamnimo oo ay sheegeen in ay ku soo fool leedahay xaruntan kadib markii uu joogsaday kharash yar oo dowladda Liibiya ay ugu talo geli jirtay daryeelka dadkan oo ah Afrikaan doonayey in ay u gudbaan qaaradda Yurub.

Maamulaha waaxda la dagaallanka tahriibayaasha iyo soo-galootiga sharci-darrada ah ee magaalada Misraata ayaa sabtidii toddobaadkan (28kii Feebarweri) sheegay in boqollaal tahriibayaal ahi ay ku sugan yihiin xaruntan ku taalla magaalo xeebeedda oo duruufo aad u adagi haystaan. “Dabcan xaruntu ma’ laha daryeel caafimaad. Dowladda Liibiya iyo haayadaha caalamiga ahina ma bixiyaan caawimo la xusi karo” ayaa uu yidhi masuulkani.

Warkan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters waxa uu intaas ku daray in tahriibayaal badan oo ku jira xarunta laga helay cudur-sidaha HIV ee keena AIDS ka iyo caabuqa ku dhaca beerka (Noocyada Jooniska).

Masuulkan oo lagu magacaabo Maxamed Al-Baaqir waxa uu sheegay tahriibayaashan lagu hayo dhisme Iskuul ahaan jiray oo ka kooban 8 qol, qol kastana ay seexdaan 100 ruux, guud ahaanna dadka xaruntan ku jiraa waxa ay wadaagaan 10 suuli.

Dadkan oo ay dowladda Liibiya soo qabatay si ay uga hor istaagto in ay tahriibaan ayaa qaar badan oo ka mid ah laga soo qabtay iyaga oo saaran baabuur xamuul ah oo ku jihaysnayd deegaanka Zawaarah ee bariga dalka Liibiya oo marin caana u ah tahriibayaasha.

Wakaaladda Reuters oo dadka qaar ka mid ah waraysatay ayaa dadka la hadlay waxaa ku jira gabadh Soomaaliyad ah oo ku nool xaruntan, waxa aanay u sheegtay in dadka tahriibayaasha ah ee xaruntan ku nool haddii dib loogu celiyo dalalkoodii ay mar labaad uun dib ugu soo noqonayaan Liibiya. “Haddii ay na celiyaan, mar kale ayaanu isla jidkan soo maraynaa oo aanu soo noqonaynaa.  Mana joogayno illaa aanu gaadhno halka aanu rabnay. Mushkiladda Soomaaliya ka jirta ma doonayno in aanu ku noqonno. Waanu ka daalnay dagaalka aan joogsanayn. Mar dambe in aan noqdo ma doonayo. Haddii aad nagu sii dhex deysaan Liibiya, waanu ka shaqaysanaynaa oo meel kale ma tegeyno. Bes mushkiladdu waa keliya in aannaan doonayn in aanu Soomaaliya ku noqonno” ayaa ay tidhi gabadhan Soomaaliyeed oo diidday in magaceeda la sheegaa.

Tahriibayaasha xaruntan ku jira oo tiradoodu tahay 800 oo ay ku jiraan 64 dumar ahi, waa Afrikaan ka yimi dalal ay ka mid yihiin Senegal, Eriteriya, Niger, iyo 17 nin oo Soomaali ah, iyada oo dumarka 64 ahina u badan yihiin Soomaali iyo Eriteriyaan.

Xaruntan ayaa la sheegay in aanay lahayn ilaalo adag oo ka celisa tuugta iyo dadka soo hunguraynaya, sidoo kale ma’ laha xarun caafimaad,  xashiishkuna waa uu dhex tuulan yahay, iyada oo biyo ka soo jabay bullaacado ku dhowina ku furan yihiin.