Taageerayaasha Xisbiga UCID Oo Dibad-bax Salmi Ah Ku Qabtay Xaruntooda

1
791

Picture5Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa maalinta xuquuql iinsaanka adduunka ku xusay mudaharaad ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee ay xukuumadda sida joogtada ah ugu kacdo.

Mudaharaadkan oo ay xukuumaddu hore ka soo hor jeesatay ayaa ku qabsoomay barxadda hore ee xarunta guud ee xisbiga UCID ku leeyahay Magaalada Hargeysa, waxaana dad halkaas isugu yimid kula hadlay hogaamiyayaasha xisbiga UCID iyo xubno xisbiga Waddani u hadlay.

Waxa xusid mudan in xukuumaddu mudaharaadkan ay ku dhawaaqday in aan la qaban karin, isla markaasna ay si adag isku hortaagtay iyada oo lagu waabariistay ciidamadda kala duwan ee ammaanka oo si adag gaadh uga haya  wadooyinka muhiimka ah.

Masuulyiinta xisbiga UCID iyo Wadani ayaa canbaareeyay cabudhinta xad dhaafka ah ee ay xukuumaddu ay ku kacayso, iyaga oo u soo jeediyay dhaliilo xoogan.

Ugu horayntii guddoomiyaha saddexaad ee xisbiga UCID, mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo halkaasi ka hadlay ayaa dhaliilo kala duwan u soo jeediyay xukuumadda, waxaanu yidhi “Wasiir ku xigeenka amniga ayaa ka danbeeyey shirqoolkii la islahaa ku dila xildhibaan Qabiile, waad ogtihiin wixii ku dhacay wargayskii Hubaal oo aad ogtihiin in laga soo abaabulay qasriga Madaxtooyada iyo guriga Madaxwayne Siilaanyo, kuwaas oo waddankii ku haysta car juuqdhe, waxaana loo baahan yahay in dalka sidii Siyaad Bare looga xoreeyey in xukuumada Siilaanyo looga xoreeyo ayaa la doonayaa dantuna haday nagu qasabto diyaar ayaanu u ahay inaan mar labaad dalka ka xoreeyo Siilaanyo.”

Mujahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxay bilaabeen saaka (Shalay) aroortii hore in ciidanka RRU soo weeraraan xarunta UCID kuwaas oo burburiyey qalab badan, taana waxa ka sii daran basaskii aanu u dirnay xaafadaha waxa ay u dhigeen jid goyn oo dadkii ayey laayeen oo waxa la dhaceen ulo dadkiina way yaaceen. walaalayaal ummadani meesha ay ku socotaa waa meel aad khatar u ah, halka ay taagantayna waa meel aad khatar u ah waanad la socotaan nabadgalyadeenii 22-ka sano waxaan dhaqan inoo ahaan jirin laga soo abaabulayo Madaxtooyada oo waakaas dhaawaceedii ina hortaagan oo waa (Guddoomiyaha wargayska Hubaal) illaa hada cidii dhibtaas u gaysata ma hayno, xukuumadduna ugumay talo galin inay inoo sheegto, maxaa yeelay halka uu galayo ayaa la ogyahay oo waa qasariga Madaxtooyada iyo inta isku haybta ah ee Siilaanyo ka kow yahay.”

Cali Guray oo sii hadlaya ayaa sheegay “Haddii ay kalifayso dalkan in mar labaad la xoreeyo oo dhiig danbe loo daadiyo diyaar baanu u nahay, itaal naguma hadhin oo haatan gabawnay, laakiin talo ayaa nagu hadhay, talada koowaadna waxaanu ka bilaabaynaa xafiis cusub  oo ah arimaha amniga iyo difaaca ayaanu qaab dhismeedkii UCID ku kordhinay maanta (shalay) laga bilaabo, xafiiskaas muddo saddex casho gudahood ah ayaanu qaab dhismeedkiisa iyo waajibaadkiisa ugu gudbinayaa guddoomiyaha UCID, waxa uu noqonayaa xafiis daraasad iyo cilmi baadhiseed oo xaaladaha nabadgalayda iyo arimahooda darsa, oo bixin kara waxa la yidhaahdo digniinta hore, haddii xaaladu sii xumaatana aniga fikrkaygu waxa weeye in xafiiskaasi uu ku danbeeyo garabka militariga ah ee xisbiga UCID, laakiin ku deg-degi-mayno waayo..waayo’ arag ayaanu nahay.”

Xasan Xuseen Codyare oo ku hadlayey afka xisbiga WADDANI, ayaa yidhi “Annaga Waddani ahaan dhawaan ayaanu maqalnay shaqaaqadii halkan ka dhacday ee ciidanka RRU inta ay xarunta soo galeen qalabkiina burburiyeen aad iyo aad ayaanu uga xunay, waa arin nasiib daro ah iyada oo aanu maanta (shalay) ku jirno maalina xuquuqul iinsaanka oo aynu xaqa u leenahay oo dastuurkeeno inoo fasaxayo, laakiin xukuumadda Siilaanyo waxa kasta hadday ka hor-timaado waa arin nusqaan ku ah, ee dalka iyo dadka Somaliland ha u tudho ayaan odhan lahaa”

Ugu danbayntii musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen oo dibad-baxan soo gunaanaday ayaa yidhi “Maanta (shalay) mudaharaadkan waxaynu ku xusaynaa Maalinta Xuquuqal Iisaanka, dadkii tacadiyada lagula kacay, dadkii shaqooyinka qabyaalada iyo eexda lagaga eryay, dadka la iska xidh-xidhay, dadka la bahdilayo ee TV-yada laga Caayayo Maalin walba. waar TV-ga qaranka saddex Milyan iyo Badhka Dollar weeye kharashkiisu. Wuxuu ka kharash badan yahay 5 Wasaaradood, waxaana loo haystaa in dadka laga caayo. waa TV-gii cayda. xagee adduunka lagu arkay xukuumad iyadii dadkii caayaysa, iyadii weeraraysa oo Wan-jalaysa. Xagee lagu arkay xukumad jid gooyo samaynaysa, waar dawlad maahee waa jabhad kuwani”

Jamaal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaad ogaataan ummadda ayaa meesh idin saartay ee idinku xariifnimo iskumaydaan saarin, askarta meeshan ka shaqaynaysaana mid waliba reerbuu ka dhashay, waxay meesha u taagan yihiina  waa qaranimada Somaliland, annagu askarta dhibaato uma qabno oo waa la soo amray ee kuwa amarka soo siiyay ayaanu haysanaa. haddii ay askartu arkaan amarka aad siinaysaan inuu xaqdaro yahay idinka ayay idinku soo jeesanayaan oo Madaxtooyadda ayay idiinku soo galayaan, waar dalka nabad ku wada oo waa la idin ixtiraamay ee dadka ixtiraama.”

 

Comments are closed.