Baroor-diiqii Nelson Mandela Oo Isu Keenay Madaxda Dunida Ee Diblomaasiyada Ku Coloobay

23
665

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xuskii Baroor diiqda ahaa ee shalay loo sameeyay geesigii Afrika Nelson Mandela oo maalmo ka hor geeriyooday, ayaa kulmiyay madax tiro badan oo dunida ka tirsan, kuwaas oo isu haya cadaawad siyaasadeed.

Xuska Baroordiiqdaas oo ay ka qayb galeen in ka badan 100 hoggaamiye oo dunida ka tirsan, ayaa wuxuu sababay inay isa salaamaan hoggaamiyayaal ay fiintu dhex miranayso. Tusaale ahaan Madaxweyne Barak Obama oo ah Madaxweynaha Maraykanka oo munaasibadaas ka qayb galay ayaa wuxuu salaamay hoggaamiyaha Cuba Mr. Raul  Castro oo sannadkii 2008 loo xulay Madaxweynaha Cuba, ka dib markii uu geeriyooday walaalkii Fidel Castro. Salaantaas dhex martay labada madaxweyne waxay noqotay tii u horaysay ee ay laba hoggaamiye oo dalalkaas ka socdaa isku qaabilaan tan iyo sannadkii 2000-kii oo ay Madaxweyne Bill Clinton iyo Fidel Castro isku gacan qaadeen shirkii qaramada midoobay. Salaantani markaas waxay noqonaysaa tii labaad ee ay abid laba madaxweyne oo Maraykan iyo Cuba ka socdaa isku qaabilaan. Ma jiro wax xidhiidh diblomaasiyadeed ah oo ka dhexeeya labada wadan.

Madaxweyne Obama, waxa kale oo ay salaan gacan qaad ah isku qaabileen Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo ah hoggaamiye Afrikaan ah oo dalkaas u talinayay muddo aad u dheer. Waxa guud ahaan reer galbeedka gaar ahaan Maraykanku ay ku hayaan dagaalo siyaasadeed oo uu isna u babaco dhigo. Maraykanka iyo Ingiriisku waxay xayiraado saareen wadankiisa, isna wuxuu ka bixiyaa dareeno kulul oo siyaasadeed.  Laakiin salaantaas shalay waxay noqotay mid soo jiidatay indhaha caalamka.

Madaxweyne Obama, waxa kale oo ay si kal iyo laab ah shalay isku qaabileen Madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff oo si adag ugu eedaysay hay’adda CIA  ee Maraykanka inay dhagaystaan telefoonada gaarka ah, iyadoo cambaaraysay dawladda Maraykanka. Laakiin tan iyo wixii markaas ka dambeeyay waa markii u horaysay ee ay labada madaxweyne si rasmi ah isu gacan qaadaan.

Geesta kale, dawladda Koonfur Afrika ayaa hore uga sii diyaar garowday inay dagaalo diblomaasiyadeed ka sii dhashaan xuska barooriidqda Nelson Mandela, waxaanay kuraasida ay madaxdu fadhiisanaysay ku saleeyeen xuruufta ay magacyadooda ku bilaabaan si ay  u kala fogeeyaan hoggaamiyayaal ay cadaawad diblomaasiyadeed ka dhaxayso. Iyadoo ay sidaas tahay waxase muuqatay inay salaanta isla doonteen.

Si kastaba ha ahaate xuska baroordiiqa ah ee shalay loo sameeyay Nelson Mandela, wuxuu kulmiyay siyaasiyiin dunida hoggaamiye oo ay cadaawad siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed ka dhaxayso, kuwaas oo ay dantu ku qasabtay inay isa salaamaan.

 

Comments are closed.