“Wixii Aanu Ka Qaylin Jirnay In Maanta Xukuumaddeenu Samayso Waa Qalad, Kulmiye Taas Ha Garto”

36
927

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaanada xisbiga KULMIYE, ee golaha wakiilada ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay ku dhaqmayso arrimihii ay ka soo horjeedeen wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen. Xildhibaan Siciid ayaa ah guddoomiyaha guddi hoosaadka golaha wakiilada ee garsoorka, cadaaladda, shuruucda, distoorka iyo xuquuqal insaanka.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo shalay ka qayb munaasibad loo sameeyay maalinta xuquuqal insaanka adduunka, oo uu madaxweyne xigeenku fadhiyay, wuxuu si ba’an u dhaliilay talaabooyinka cabudhinta ah ee ay xukuumadu ku hayso saxaafadda iyo xisbiyada qaranka. “Xuquuq ayaa jirta ay xisbiyada qaranku leeyahiin,xisbiyada qaranku goleyaashooda iyo xafiisyadooda waa ay ka hadli karaan waana sharci,waxa la leeyahay waa la duubay iyaga oo qolo xisbiyada ka mid ah hadlaaya,waa qalad arintaasi,inaad taas ka hadashaan weeyaan,waxii sharci ah, waxii shalay na haystay ee aanu ka ooyaynay,waxii aanu ka qaylin jirnay in maanta xukuumaddeenu samayso waa qalad,xisbiyada lagama celin karo inay gobalada dalka tagaan,xaaraan weeye,anaga wax qabadkayaga ayaa wax kasta ka badan ee aynu wanaaga karaamada iyo waxqabadka ku tartano,KULMIYE taas ha garto oo yaanu soo celin waxii uu shalay diidaayay.”
Xildhibaan Siciid oo ka hadlaya xaraaska lagu hayo saxaafadda xorta ah wuxuu yidhi “Saxaafadu waa xor, laakiin mid ayaa laga rabaa oo cidii danbi leh danbiga ayaa lagu qaadayaa,haddii sharciga lagu kala xishoodo oo aynu ku kala baqano oo aad is tidhaahdo shaqo ayaa lagaa eryayaa,oo aynu danteena eegano oo aynu danlay noqono dalkani horumarimaayo. Anigu waxaan balan ku qaadayaa in gudidaydu ay si fiican ula shaqayso haayadan xuquulul insaanka in laga caago kufsiga, umaddi hadday caarkeeda dhawri waydo oo ay xaq siin waydo waa gun.”
Xildhibaan Siciid oo hadalkiisu uu gubay masuuliyiin badan oo madasha fadhiday wuxuu intaas raaciyay, “Anigu waxaan maantana leeyahay xor hala noqdo, shilin yaan laga baqan, shaqo yaan laga baqan, haddii wasiirku uu dadka ixtiraami waayo yaan la ixtiraamin, waxaan leeyahay hayadiinaneey (Haayada xuquuqul insaanka) qaranimada xor u noqda anagana na adeegsada gudi ahaan.”
Xildhibaan Siciid, waxa kale oo uu ka hadlay isku shaandhayntii lagu sameeyay guddiyada golaha wakiilada, waxaanu sheegay inay isku shaandhayntaasi tahay mid sharci ah oo sidaas ku hirgashay.

Comments are closed.