Xisbiga UCID Oo Eedo U Jeediyay Xukuumadda, Camabaareeyay-na Xadhiga Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga

0
704

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha Arrimaha Bulshadda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Keyse oo si wada ah shir jaraa’iid ugu qabtay Shalay Xarunta Xisbiga ayaa eedo u soo  jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo, waxaanay sheegeen  inay Garsoorka ku tumanayso, waxa  kale oo ay aad  u cambaareeyeen xadhiga Maxamuud Cali Madoobe (Jiir) oo ka tirsan Xisbiga UCID, ahna Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga UCID kaas oo ay  Ciidamadda Boolisku  Xabsiga u taxaabeen.

Xoghayaha Arrimaha Bulshadda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdiraxmaan Axmed Cali oo isagu ugu horeyn Shirkaas Jara\iid ka hadlay ayaa cadaalada daro ku tilmaamay xadhiga qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbigooda, waxa kale oo wax lala yaabo uu ku tilmaamay in ayaan daro ay tahay in Maxkamadu ay noqoto mid aan lahayn awood, madaama damaanada ay soo bixisay aan si toos ah loo qaadan, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay  “Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee Xisbiga UCID Xaliimo Cismaan Axmed oo runtii ah qof waayeel ah, ayaa ku xidhnayd Saldhiga, waxa noo raacda hatigaad iyo hanjabaad lagu hayey Madaxda sare ee Xisbiga, gaar ahaan Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga, waxa kale oo la xidhay Saldhiga dhexe lagu xidhay Jiir Cali Madawe, oo laga qaaday xasaanidii uu lahaa, iyada oo ay ahayd sidii ay markii hore Xukuumaddani ugu tumanaysay Sharciga ahna taloobiyiinkii hore looga bartay ee ku tumashada Sharciga, waxyaabaha inagu cusub anaga iyo bulshada ee aanu aadka ula yaabanay ayaa waxa weeye, Dumar la xidhxidho, Dawlad haween Siyaasad u soo xidhxidhata waa Dawladdii noogu horeeysay, Dawlad tidhaahda Haween ayaa na aflagaadeeyey oo Maxkamada soo fadhiisisa waa Dawladdii noogu horeeysay, Joornaal la xidho, TV la xidho, Website la xidho, arintaas waxa aanu ka galnay waan-waan, waxa aanu ka galnay ergo, intaas oo jeer ayaa ergadii nalagaga baxay, Xalay (Habeen hore), anaga oo Maxkamada ka soo damiinanay Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee Xisbiga UCID, ayaa haddana mar labaad damaanad lanagaga qaaday Saldhiga dhexdiisa, oo ay taasi muujinayso in aanay Maxkamadi jirin”.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Markii Guddoomiyaha Maxkamada ee Gobolka, waxa Shalay (Doraad) Saldhiga dhexe nagula balamay Madaxda Taliska BIleyska ugu sareeysa, oo ay sii deyn doonaan Xoghayaha Ciyaaraha Bari (Shalay), oo aanay waligii dawladdihii hore aanay  xidhin,isla markaana aan loo cuskan xadhigisa wax Sharciya,waxa aanu Xalay (Habeen hore) u dulqaadanay in Ninkaas leh xasaanada Siyaasadeed uu xidhnaado, anaga oo Sumcada Somaliland eegayna, haddii aanay Sumcada Somaliland aanay Dawladdu ilaalin anaguna ilaalin meyno, waxa aanu balanqaadayna in Maanta laga bilaamo baaqayga laban laabno, in aanu isaga oo hadal ah dirno, in isaga oo qoraal ah dirno, in aanu Bulshada Caalamka ee Somaliland joogta u gudbino, in aanu Wadamada Dariska ah u gudbino, Qaramada Midoobayna ee fadhiga Xarumaha Caalamiga ah u gudbino, waxa noo muuqata in Hay’addihii Amaanka iyo Taliskii Ciidanka faragelin lagu hayo, oo haddii aad la balanto, oo marka Madaxda Boolisku kula balanto, Telefoon loo soo dirayo, oo balantii balan aan ahayn aad ugu imanayso, waxa cudur daar nalooga dhigay Xoghayaha Ciyaaruhu waxa uu xidhnaanaya ilaa barito inta Yuusuf Cabdi Gaboobe, laga geeynayo jeelka laga geeynayo, Yuusuf Cabdi Gaboobe, waa shaqsi dalka xuquuq ku leh, waa Nin Muwaadin ah oo xaqiisi hore loogu tuntay, markii xaqiisi lagu tuntayna, ayaa la doonaya in xaqaygana la raaciyo, yeeli mayno,haddii Maxkamada la keeno isaga iyo qof kaleba Xisbigu xaq ayuu u leeyahay inuu tago, xaq  ayuu Xisbigu leeyahay inuu mudaharaado, Mudaharaadka haddii loo diido iyo haddii aan loo diidinba uu mudaharaadaya, shalay ayey ahayd Siillaanyo iyada oo aan loo fasixin Mudaharaadka in isaga oo ah Madaxii ugu sareeyey, uu soo horkaacayey, Taliska Bileyska uma xidhna Jiciir Cabdi Madawe, ee cid ka sareeysa ayuu u xidhan yahay”.  

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse oo isna Shirkaas Jara’iid ka hadlay ayaa sheegay inay Bulshadda Caalamka  u gudbeyeen Tacadiyada ay Xukuumaddu ku hayso Xisbiyada Mucaarad ka ah iyo Saxaafadda.waxaana uu ku tilmaamay tacadiyada soo noqnoqanaya ee ay Xukuumaddu ku hayso Xisbigooda iyo Saxaafadda mid ka dhalatay Fashil Siyaasadeed oo la Daris ah Xukuumadda Haatan Hogaanka Dalka haysa.

Xoghayaha Warfaafinta waxa kale oo uu sheegay in Maamul-Xumadda Dalka ka jirtaa ay sababtay in Wadamadda Jaarku ay Xidhaan Xuduudaha ay inala Wadaagaan sida Jabuuti iyo Itoobiya.

Dhinaca kalena waxa uu tilmaamay inay Doraad  ay Xukuumaddu ku xidhay Saldhiga dhexe ee Magaaladda Haragaysa  Xoghayihii Ciyaaraha ee Xisbiga UCID Jiir Cali Madawe, Siciid Maxamuud Gahayr oo ah Suxufi iyo Qoraa iyo dad loo tirinayo inay Taageerayaal u yihiin Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID.

Waxa kale oo Yuusuf Kayse Xog-hayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID sheegay in inta Lacag la soo siiyay dad dhalinyaro ah lagu soo amray inay isaga soo Waxyeeleeyaan,isaga oo taas ku tilmaamay inay tahay Cadceed sii dhacaysa.

Dhanka kale Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobalada ee Xisbiga Mucaaridka ee UCID  Cabdi Qani Salaf ayaa Qoraal uu Soo gaadhsiiyey Warsaxaafeed uu Kaga Hadlay Xadhig loo Geystay Xogahayaha Ciyaaraha ee Xisbiga Jiir Cali Madoobe oo ay Xukuumaddu Xabsiga u Taxaabay.

Qoraalka uuna  Soo Gaadhsiiyey Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobalada ee UCID ayaa u Qornaa Sidatan- “Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid waxaa uu halkan ugu cadaynaya shacbi waynaha reer Somaliland iyo bulshada caalamkaba ee daneeya arimaha Somaliland in galinkii hore shalay oo ku beegnayd 22/6/14  xabsiga dhexe la dhigay Maxamud Cali Muse (Jiir) oo ah xoghayaha dhalinyara iyo ciyaaraha ee xisbiga Ucid, xoghayaha oo saldhiga dhexe ee Hargeisa kusoo booqday Xalimo Cisman Rage gudoomiyaha garabka haweenka Ucid oo marka xidhnayd isla markaana uu lasocoday musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Aq/ Jamal Cali Hussein iyo xubno kale ay markii labaad wiigan gudihiisa laga hor istaagay inay booqdaan Xaliimo Cisman Rage oo waliba loogu daray hanjabaad uu sarkaal laba xidig la ahi ugu hanjabay Jamal Cali Hussein inuu xabad ku dhufan doono hadaanu ka hor dhaqaaqin saldhiga isla markaana u diiday inu haba yaraatee soo arko marwadii xidhnayd,Waxa lagu xidhay Jiir Cali Madoobe xoghayaha isla goobtii loogu hanjabay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga qaran u sharaxan oo xasaanadiisii  musharaxnimo iyo xaqiisi muwaadinimo bada loo duudsiyey si baalmarsan sharciga wadanka u yaala, xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku dulqaad badan ayuu muujiyey iyadoo uu xisbigu wax walba ka horaysiinayo nabad gelyada iyo xasiloonida aynu ku faano Somaliland, xadhiga xogyahaha Jiir Cali Madoobe iyo Xaliimo Cisman Rage wa xasarad ay dawladu wado iyo gardaro aan geedna loogu soo gaban, xadhiga madaxda xisbiyada qaranku  waa xeelad abuur, iyo shacbiga oo la majara habaabinayo lagana qaranayo fashilaada siyaasada dowlada ee arimaha gudaha iyo arimaha dibadaba, laakin wax ku qarsomaya xadhiga saxaafada iyo xisbiga Ucid maaha, kana aqbali mayno xukuumada manta talisa inay markay albaab waliba kusoo xidhmo asaxaabta qaranka u yeedhato marka kalena xabsiyada loo sameeyay danbiilayaasha lagu guro madaxda xisbiyada,

Xisbiga Cadaalada iyo Daryaalka UCID waxa uu ugu baaqaya xukuumada inay sida ugu dhaqsaha badan xoriyadiisa ugu soo celiso xoghayaha dhalinyara iyo ciyaaraha ee xisbiga UCID Jiir Cali Madoobe iyo waliba dadka kale ee gardarada ku xidhan ama maxkamad laga hor cadeeyo danbiga ay galeen isla markana sharciga dalka ilaaliso.”