Sumsung Oo Soo Saartay Talefan Casriya Oo Qiimihiisu Yahay $82 Si Ay U Iibsadaan Dadka Dakhligoodu Yar Yahay

0
566

Picture2Shirkadda caalamiga ah e Samsung ayaa salaasadii toddobaadkii hore faraceeda dalka Malaysia ka soo saartay talefan casriya oo cusub oo ka mid ah talefannada ay ugu talogashay in ay qiimo jaban kaga iibiso macaamiisha aan dhakhliga buuran lahayn.

Shirkadda Samsung Mobile kan cusub oo ay u bixisay Galaxy V Plus waxa ay ku iibinaysaa 82 Doolar. Galaxy V Plus waxa uu leeyahay kamaradda dambe oo 3 Pixel ah, iyo tan hore oo 0.3 ah, RAM 512 MB ah iyo qaadkiisa oo ah 2 GB laakiin qaadan kara Kaadhka xusuusta Memory Card gaadhaya illaa 64 GB. Talefankan cusubi waxa uu ku shaqaynayaa barnaamijka android 4.4 Kit Kat. Sida ay shirkaddu shaacisayna talefankan cusubi waxa uu noqon doonaa laba midab oo kala ah caddaan iyo madow.