Dawladda Somaliya Oo 12 Ruux Oo Ay Soo Bandhigtay Kuna Xidhiidhisay Al-Shabaab Ku Dartay Wiil Reer Somaliland Oo Borama Jooga iyo Jawaabta Uu ka Bixiyey

0
739

Picture1Muqdisho(Geeska)-Sirdoonka dawladda Somaliya ee Muqdisho ayaa liis ka kooban 12 ruux oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsanyihiin kooxda Al-Shabaab, waxa ay ku dareen muwaadin reer Somaliland ah oo degen magaalada Borama oo uu magaciisu yahay Cabdinaasir Axmed Buuni. Cabdinaasir oo ka mid ah dhallinyarada Borama ayaa beeniyay eedaynta dawladda Somaliya.

Telefishanka dawladda Somaliya ayaa habeen hore laga baahiyay 12-ka ruux, iyadoo shacabka laga codsaday in ciddii 12-kan nin war ka keenta la siin doono abaal gud lacageed. Waxaana liiskan ugu dambeeya Cabdinasir. Sirdoonka Somaliya waxa ay ku eedeeyeen muwaadinkan reer Somaliland inuu Al-Shabaab u qaabilsanyahay dhaqaale ururinta iyo isu gudbinta hubka, isagoo ka ururiya dhaqaalaha hay’adaha iyo ganacsadata kala duwan. Waxaanay dawladda Somaliya madaxiisa dul dhigtay $ 5000 (Shan kun oo Dollar) iyadoo sawirkiisana soo bandhigtay.

Hase yeeshee Cabdinaasir, oo shalay la xidhiidhay laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa beeniyay eedda ay dawladda Somaliya u jeedisay.  "Waxaan doonayaa in aan ummada Soomaaliyeed u sheego gudo iyo dibaddabba in waxaa ay sheegeen ee ah in aan ahay ninka dhaqaalaha iyo hubka u kala gudbiya ee carabta uga soo ururiya, aniga waa la iyaqaana, waxaan ka soo jeeda qoys caan ah, dad caan ah ayaan ka soo jeeda, shakhsiyana anigu qof caana ayaan ahay, qof waxaas iyo wax la mid ah lagu tuhmaayo ma ihi, kumana jiro, wax ii qalmana maaha waana dembi iyo dil aniga iyo inta aan metelo laga galay weeyaan".Ayuu yidhi Cabdinaasir Muxumed Xasan(Buuni).

Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo la weydiiyay inuu xidhiidh la sameeyay dawladda Somaliya, ayaa yidhi  "Anigu wax xidhiidha lama lihi, imikana Koonfur ma joogo, waxaan jooga xarunta gobalka Awdal ee Boorama oo aan hada kaala hadlayaa, kuna suganahay, dhalasho ahaan qof halkan ka soo jeeda ayaan ahay, dawlada halkana waa dawlad u carbisan dabo-galka iyo hay'adaheeda war-doonku ay ku yihiin caan sida caalamka oo kale wax la soo weydiiyo halka ay khibrada iyo ka gaadheen dawlad wanaaga, marka anigu halkanba maan joogeen mana dhacdeen waxaas iyo wax la mid ahba, waana eedayn runtii shakhsiyan aniga la igula dul kufay aanan ka rabo ciddii waxaas samaysay in aan qaanuunka la tiigsado, sababta halkaas magacayga loogu soo darayna waa waxa u baahan in la baadho oo aan caalamka oo dhan la kaashado, aniga oo markastana u mari doona dawlada halkan aan la joogo ee aan muwaadiniinteeda ka mid ahay, maadaama meeshaas nidaam iyo kala danbeyn lagu kalsoonaan karaa aanay ka jirin oo qayrul mas'uulnimo kale soo baxayso".Ayuu yidhi Md.Cabdinaasir Buuni.

Md.Cabdinaasir Buuni, waxaa uu ugu danbeyntii sheegay in markii ay arrintani soo baxday uu xidhiidh la sameeyey badhasaabka iyo taliyaha qeybta booliska ee gobalka Awdal, isaga oo sheegay in uu ku war-geliyey in aanay arrimahaas waxba ka jirin. "Waxa weeye wax kasta oo aniga gef igu ah oo cadaynaaya in aanan waxaas ku jirin aniga shakhsiyan ayaa ku qasban in aan sameeyo, haddii iyaga ay tahayna aan tago meelo lagala xidhiidho aniga oo mar kasta umaraya dawlada aan halkan muwaadiniinteeda ka mid ahay, xidhiidhkuna uu mar kasta noqon doono mid dawlada halkan aan jooga ay ka warqabto, markii ay arrintani soo baxdayna xalay markiiba waxaan xidhiidh la sameeyey guddoomiyaha gobalka Awdal iyo taliyaha qeybta booliska ee gobalka Awdal, intabana waxaan ku wer galiyey in ay waxaasi jiraan, waxaana aan ahay nin ku xidhan dawladiisa, berina ka ah waxaas lagu eedaynaayo, wax la iskaga hadhaayo maaha in qof inta magaciisa iyo sawirkiisa baraha Internetka lagala baxo la iska baafiyo, waana ta aan hada idiinla soo xidhiidhay".Ayuu yidhi Md.Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni)