Hay’adda WFP Oo Lagu Eedeeyay Inay Raashin Dhacay Wadanka Soo Geliso

0
4003

Picture2Hargeysa (Geeska) – Maareeyihii hore ee hay’adda dhowrista tayada raashinka iyo agabyada Somaliland yimaada Siciid Saleeban oo shalay xilka hay’addaasi ku wareejiyey Cali Maxamed Cabdulle (Biikalo), ayaa soo faqay fadeexado ay dugsanayso hay’adda cuntada Adduunka ee WFP.

 

Siciid Saleebaan oo hadal dheer ka soo jeediyey Munaasibada uu xilka hay’addaasi ku wareejiyey, ayaa soo bandhigay ceebaha hay’adda Cuntada adduunka ee WFP, waxaanu sheegay in raashinkii ugu horeeyay ee ay hay’addu tayo xumo u qabato ay WFP dalka keentay, isaga oo xusay inay ku qabteen Markab dhan oo siday 4000 kiish oo sonkor dhacday ah, taasi oo markii la baadhay la caddeeyay inaan aadame la siin Karin.

Maareeyihii hore ee hay’adda dhowrista tayada Somaliland oo arimahaa faahfaahinayaana waxa uu yidhi  “Runtii WFP in badan ayaan qariyey laakiin haddii aan shaqada ka tagayo inaan ka hadlo WFP ayaan jecelaystay, wixii ugu horeeyay aanu dalka ku qabano waxa uu ahaa rashiin ay keentay WFP oo ahaa Sonkor, raashinkaasi Markab dhan ayuu ahaa oo ay saarnayeen 4,000 Kiish, runtii sonkortaasi waxanu u diranay shaybaadh waxanu xaqiijiyey in aan  Dad Bini’aadam ah la siin Karin, WFP waxanu u sheegnay in aanu gubayno raashinka, lakiin waxay yidhadeen ma gubaysaan ee waanu la noqonaynaa, laakiin waxanu ku nidhi sharcigu waxa uu dhigaya in aan wax xun aan dalka la keeni Karin ama wax xun aan dalka laga celin Karin, waxa kale oo aan iskugu yeedhay dhamman wasiirada, Wasiirka qorshaynta Dr Sacad, Wasiirkii hore ee caafimadka Dr Xuseen Xoog iyo ganacsiga  si ay goob joog u ahaadaan, WFP waxay tidhi Jabuuti ayaanu ku soo gubanaynaa, markaasi ayay Jabuuti ka keeneen waraaq, markii aanu raashinkii ku wareejinay sidaa kumaanaan daynin ee waxaanu la hadalnay wasiirka arimaha gudaha Jabuuti,  laakiin markii ay jabuuti tageen ee ay xadkeena ka gudbeen ayaa Jabuuti diiday in raashinkaasi dalkeeda galo, markaas ka dib ayay WFP codsatay in Hargeysa lagu soo celiyo oo aanu gubnay”

Siciid Saleebaan, waxa kale oo uu sheegay “Waxay nagu yidhadeen warbaahinta hanoo keenin, anaguna waxaanu ku nidhi warbaahintii waxba ha khashifina ee iska daaya” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Haddana waxay dalka keeneen 900 oo kiish oo dhacay, sanad ku dhawaad ayaanu sugaynay baadhitaan aanu u dirnay raashinkaasi oo dhexda ayay isku taageen baadhitaankii, maalin dhawayd-baa la gubay, waxa dhacday inaanu gali kari waynay xafiisyadooda oo sanadbay nagu qaadatay, maxay qarinayaan, markii ay nadiifiyeen wixii ay qarinayeen ayay noo ogollaadeen inaanu galo, markaa waxaan u sheegayaa madaxda qaranka iyo cid kasta oo ay khusayso in si adag loola shaqeeyo hay’addaha dalka keena Mucaawinooyinka”