Labada Gole Baarlamaan Oo Maanta Cod U Qaadaya Guddoomiyaha Maxkamada Sare

0
485

Picture2

Hargeysa(Geeska)-Labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada ayaa maanta fadhi wada jir ah oo isugu imanayaan waxa ay codka kalsoonida ugu qaadayaan guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed.

Fadhigan wada jirka ah waxa labada gole ka dalbaday Madaxweyne Siilaanyo oo u soo gudbiyay cod u qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare oo uu ka codsaday inay ansixiyaan guddoomiyaha cusub ee uu u magacaabay maxkamadda sare.

Labada gole baarlamaan ayaa hore u ansixiyay xil ka qaadistii uu Madaxweynuhu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali.