Suldaan Xiirey Oo Ka Dayriyey Dhibaato Puntland Ku Hayso Shacabka Bariga Sanaag

0
467

 

Picture1Hargeysa (Geeska) – Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, oo ah ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay dhibaato Maamul Goboleedka Puntland ku hayo dadka deegaanka Galgala ee bariga fog ee Gobolka Sanaag, waxaanu Maamulkaasi u soo jeediyay inay dhibaatada ka daayaan dadkaasi oo uu xusay inay yihiin dad reer Somaliland.

 

Suldaan Yuusuf, oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Maamulka Madaxwayne Faroole uu dhibaato badan ku hayo dadkaasi isla-markaana doonayo inuu kala wareego beero ay halkaasi ku leeyihiin, iyadda oo loo isticmaalayo xirfad ah inay yihiin dad reer  Somaliland  oo ay tahay inay hakkaasi ka guuraan, waxaanu Suldaanku baaq u diray Madax-dhaqmeedka Puntland oo uu ka dalbaday inay hawshaasi iska xil saaraan sidii loo furdaamin lahaa damaca Maamulka Puntland ka haya dhulka dadkaasi.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo Maamulka Puntland oo dhibaato ku haya dadka reer Somaliland ee deggan bariga Puntland, gaar ahaan deegaanka Galgala, dadkaasi oo ummad Smaliyeed ah, laakiin ka so jeedo, oo muddo dheer 300 oo sanadood iyo in ka badanba ILAAHAY halkaa ku abuuray oo degganaa oo la yaqaano, oo halkaa beero ku leh, oo hanti ku leh , dhismayaal ku leh, Baryahan cabasho ayaa ka taagnayd, dadkaasina waxay Maamulka Puntland kaga cabanayaan in laba qodob si gaar ah loo beegsado, ka koowaad in beeraha ay halkaa ku leeyihiin laga wareejiyo inta la yidhaahdo Somaliland-baad u dhalateen ee ka guura, taasina waa dhibaatada koowaad ee lagu hayo dadkaasi”

Suldaanku waxa kale oo uu soo qaaday “Ta labaad, wixii dhibaato ah ee deegaankaasi ka dhacda in iyagga ddusha laga saaro, oo la yidhaahdo kuwan ayaa looma ooyaan ahe dusha laga saaro” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Puntland, waxaanu ugu baaqaynaa in ciddii faraha ku jirtaa kala baxdo, dadkaasina dhibaatada laga daayo, beerahooda iyo naftoodana la nabadgaliyo, umadda Somaliyeedna waa ummad isku mid ah, siyaasadda ayuunbaa kala duwan, dawladdaha ayuunbaa kala duwan, markaa haddii dadkaasi hayb sooco lagu sameeyo, kuwa Puntland ee Somaliland deggan ayaa hayb sooc lagu samayn doonaa, oo dhaqan aan Somali u dhaqan ahayn ayaa ina soo waajihi doona haddii arintaasi sii socota”

Suldaan Yuusuf, waxa uu fariin u diray madax-dhaqameedka reer Puntland “Madax-dhaqameedka Puntland, ee Boqor, Suldaan, Ugaas iyo Caaqilka ah u soo jeedinayaa inay arinkaasi hoos u eegaan, maadaama oo ay dadkaasi Suldaan ugu yihiin, sidaan suldaanka ugu ahay kuwa halkan (Somaliland) deggan) oo ay si deg-deg ah wax uga qabtaan”ayuu yidhi.