“Maalintii Uu Rayale Xilka Wareejinayay Waxa Uu Yidhi Axmedoow Waxaan Kugu Wareejinayaa Dal Midaysan Iyo Dad Midaysan, Runtii Bay Ahayd, Maanta Waxa….” Badatay Qabyaaladii”

0
3984

Picture5Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo safar shaqo ku tagay Magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa sheegay inuu halkaasi u tagay talo urursi ku aadan wada tashi qaran oo uu sheegay inuu qabanayo bisha June ee sanadkan.

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in shirka wada tashiga qaran ah ee ay qabanayaan bisha June uu yahay mid ka sareeya xisbi, isla-markaana uu yahay wada tashi qaran oo laga yeelanayo xaalada dalku marayo, siiba dastuurka oo uu sheegay inuu qabyo yahay, saami-qaybsiga iyo arimo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha UCID, oo shalay la hadlay ardayda Jaamacadda Camuud ee Borama, ayaa ka hadlay amuuro badan. Mar uu ka hadlayay maalintii uu Daahir Rayaale Kaahin xilka wareejinayay wuxuu yidhi  “ Maalintii uu Rayaale xilka wareejinayay waxa uu yidhi Axmedoow  waxaan kugu wareejinayaa dal midaysan iyo dad midaysan, runtii bay ahayd dalkeenu waa uu midaysnaa, qabyaaladuna shandad ayay iskaga jirtay oo waa ay katiinadaysnayd, maanta waxa badatay qabyaaladii haddaad Warbaahinta daawato waxaan qabyaalad ahayn kama soo baxayaan, Afrikana waa la ogaaday oo waxay ku guulaysan waayeen laba arimood, midi waa dhisitaanka hay’adaha iyo dhisitaanka dadka inaga oo marka horeba fashil ka soo baxnay ayaa haddana waxyaabii lagu fashilmaayay ay inaga buuxaan oo ah dadkii oo aan midaysnayan,qabyaaladii oo xadhakaha goosatay eexdii oo katiinadii iska furtay iyo dadkii oo niyad jabay dadkuna waxa uu ka noolyahay niyada, markaanu tartamaynay Rayaale waxaanu lahayn  UDUB waa ay tagtoo tahriiibi dhamaatay walaahi hadda jaariyadiibaa tahriibay ardaydii iyo jaamaciyiintii iyo reer magaalkiiba waa ay dhaaftay.”

Isagoo markii dambena saxaafadda uga waramayay safarkiisa Borama, wuxuu yidhi  “Borama waxaan u imid xog-wareysi, waayo saddexdii sanadood ee dawladdani dalka joogtay tabashooyin badan-baa ka jira beelaha, aniguna in badan-baan ku dhawaaqay oo aan idhi hala isugu yimaado shir wada tashi qaran ah, kiibaanu doonaynaa inaanu qabano bisha June, markaa waxaanu urursanaynaa (Talo), markaa xog-wareysi iyo indho indhayn, markaa waxaanu doonaynaa inaanu uga warano reer Borama sababta aanu ugu baaqnay shirkan iyo xaalada mandaqada Geeska Afrika”

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu soo qaaday “Wada tashigani waa Somaliland oo dhan, xisbina wuu ka sareeyaa, wada tashigii xukuumaddu waakii saqiiray, mid aan saqiirin oo hano qaada oo Somaliland u dhan tahay oo guddi midaysan leh oo arimaha waaweyn ee ina horyaala ee ay ka mid tahay, dastuurkeena qaydhiinka ah, saami-qaybsigii oo dhinac ka raran, beelo aan isku fiicnayn oo dhexdooda madmadow soo dhex galay, intaas oo mushkiladood oo ina hor-yaala oo aan marnaba la odhan maxaynu ka yeelnaa, taas ayaanu doonaynaa inaanu falanqeyno, si aynu umaddeena uga tagno wax waara oo la kala dhaxlo oo aan muran galin”ayuu yidhi.