Madaxweyne Obama Oo Mar Kale Soo Jeediyay In La Xidho Guantanamo Bay

1
513

 

Picture2Madaxweynaha Maraykanka ayaa markale ku celiyey in loo baahan yahay in la xidho Xabsiga militariga ee Guwantanamo Bay, halkaasi oo lagu hayo dad muslimiin ah oo ay dowlada Maraykanka usoo qabatay arrimo la xadhiidha  argagaxisada.

Barack Obama oo khudbad kasoo jeediyey Aqal Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in muhiim tahay in la xidho xabsiga Guwantanamo isagoo sheegay in furnaanshihiisa xabsigaasi uu dan u yahay kooxaha Argagaxisada ee cadaawada u haya Maraykanka.

Obama ayaa sheegay in furnaanshaha Xabsiga Guwantanamo bay uu astaan fool xun ku reebayo sumcada Maraykanka isagoo sheegay in loo baahan yahay in gebi ahaan la xidho. Wuxuuna sheegay inuu codsi markale u gudbiyey Baarlamaanka Maraykanka ee Kongareska inay arrintan go’aan ka qaataan.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa hore u balan qaaday markii uu xilka qabtay inuu xidhi doono xabsiga wareegii hore ee xukunkiisa, balse waa uu ku guuleysan waayey, kadib markii uu caqabado kala kulmay Baarlamaanka Maraykanka.

Baarlamaanka Maraykanka ayaa diiday in maxaabiista lagu hayo Guwantanamo bay maxkamad lagu saaro gudaha dalka Maraykanka, maadaama maxaabiistaasi la jidh dilay, balse in lasii daayo waxay ku tilmaameen inay tahay mid khatar ku ah amniga Maraykanka.

Obama ayaa sheegay inaanay  macquul ahayn in Maxaabiistaan abadiyan lagu siihayo xabsiga Guwantanamo oo uu sheegay in dhaqaale badan uu uga baxo Maraykanka.

Maxaabiista ku xidhan Guwantanamo ayaa hada gaadhaya 166, waxayna 100 kamid ah hada wadaan cunto ka soomis. Qaar kamid ah maxaabiista soonka wada oo tiradooda lagu sheegay 26 ayaa xaaladooda caafimaad laga deyriyey, iyadoo la sheegay in hada khasab cuntada lagu siiyo si aanay  u dhiman.

Golaha Dhakhaatiirta Maraykanka ayaa si weyn uga horyimid go’aanka Wasaarada Gaashaandhiga ee Pentagonka inay hada maxaabiista khasab cuntada ku siiyaan taasi oo ka hor imaaneysa xaquuqda qof walba uu leeyahay inaan naftiisa lagu khasbin wax uusan dooneyn. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in arrintaasi ka horimaaneyso anshaxa dhakhaatiirta ku shaqeeyaan.

Comments are closed.